Shir-weynihii 7-aad Ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Oo Saaka Ka Furmaya Caasimadda Hargaysa

0
867

Hargeysa, (HargeisaPress) — Qabanqaabada loollanka musharnimada Hogaanka sare ee Dallada SONYO, ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa, iyada oo maanta oo ay bishu ay ku beegan tahay 27/12/2014, uu shir-weynihii Todobaad ee Dallada SONYO, uu si rasmi ah uga furmi doono Hetel Ambassador, ee magaalada Hargeysa.

Shir-weynahan Todobaad ee Dallada SONYO, oo socon doona Muddo Laba cisho ah, waxa lagu dooran doonaa Guddoomiyaha Dallada iyo 18-ka xubnood ee noqon doona Hogaanka golaha sare ee Daladda Labada Sanno ee soo socda, iyada oo dhamman Ergooyinkii Gobalada dalka ka kala socday ee Shir-weynahan ka qeyb-galayay oo ay tiradoodu kor u dhaaftay Boqol Ergay ay dhamman-tood ku soo wada xaroodeen oo ay haatan ku sugan yihiin magaalada Hargeysa.

Shir-weynahan Todobaad ee Dallada SONYO, oo labadii Sanno-ba mar la qabto, waxa uu kaga duwan kaga duwan yahay Shir-weynayaashii ka horeeyay, waa markii u horaysay ee musharax ka socda gobal ka mid ah Gobalada Somaliland uu u tartamo hogaanka sare ee Dallada, iyada oo dhamman Guddoomiyayaashii soo qabtay hogaanka Dalladu ay ahaayeen kuwo laga soo doorto caasimada Somaliland, ee Hargeysa.

Shir-weynahan beri ka dhacaya Hutel Ambasaddor, ku tartamayaa Laba musharax oo ka kala socda Gobalada AWDAL, iyo Hargeisa (Maroodi-jeex), iyada oo Ollolaha doorashada ee hogaanka daladda SOMYO, uu sii bilaabmo sannad ka hor shirweynaha, iyada oo looga baahan yahay in masuulka doonaya in uu ku guulaysto Guddoomiyaha Dalladu, inu haysto codka Gobalada Somaliland oo dhan, waxaanu Kaanbaynka Ollolaha doorashada Hogaanka Daladdu uu aad u sii xooggaystaa maalmaha u danbeeya ka hor inta aan la qaban shirweynaha Dallada.

HargeisaPress – Office , Hargeisa


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here