Shir Ku Saabsan Ilaalinta Duur joogta Oo Lagu Qabtay Jigjiga

0
466

Jigjiga (HP): Waxaa maanta magaaladda Jigjiga ka furmay shir lagaga hadlayay sidii loo ilaalin lahaa Duur joogta ku nool dhulka ballaadhan ee u dhaxeeya degaamadda Soomaalida iyo Oromadda ee Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay madax kala duwan oo uu ka mid ahaa Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn, madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe cagjar.

Madaxweyne  ku-xigeenka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo masuuliyiin ka socotay deegaanka Oromiya ee isla Itoobiya.

Madaxwayne Mustafe cagjar, oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada hadlo sidii xal waara loogu heli lahaa duur joogta, isla markaana la ilaaliyo duur joogta uu ka mid yahay Maroodigu ee ku nool aagga Baabili.

Geesta kale, waxaa isna dhankiisa halkaas ka hadlay raysal wasaarihii hore ee Itoobiya,  waxaanu tilmaamay in in  isbaddalka cimilada  ee dunida saameysay lagaga bixi karo ilaalinta deegaanka iyo duur joogta ku nool.

Deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa la tilmaamaa inuu hodan ku yahay noocyadda kala duwan ee  duur joog badan iyo waliba goobo dalxiis oo soo jiidan kara indhaha caalamka.

Iyadoo shacabkana looga baahan yahay sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa deegaanka iyo  duur joogtaba.

Dhinaca kale, ma aha markii u horaysay oo shir ku saabsan ilaalinta duur joogta lagu qabto dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, basle shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo noociisa ah.

Waxaana  jirtay in 13-kii bishii November ee sanadkii 2020-kii magaaladda Jigjiga lagu qabtay shir ku saabsanaa ilaalinta duur joogta gaar ahaana Harimacadka iyo xakamaynta ka ganacsiga sharci darradda ah.

Waxaana shirkaasi ka qayb galay wefti ka socday dawladda Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qayb galay xubno ka socday haayadda CCF oo ka shaqaysa arrimaha bad-baadinta Harimacadka.

Shirkaasi ayaana lagaga hadlayay sidii ay Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iskaga kaashan lahaayeen wax ka qabashadda ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here