Suldaan Ismaaciil Sul. C/raxmaan Oo Gabiley Ku Casuumay Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland

0
714

Gabiley (HP): Suldaanka beelaha gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, ayaa maanta munaasibad balaadhan oo Qado sharaf ah magaaladda Gabiley ugu sameeyay suldaan Daa’uud suldaan Maxamed C/qaadir.

Suldaan Daa’uud suldaan Maxamed suldaan C/qaadi, oo dhawaan loo cumaamaday xilka suldaannimo, kadib markii uu aabihii geeriyooday.

Waxaanu suldaan Daa’uud suldaan Maxamed suldaan C/qaadir, uu la wareegay xilka suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo uu aabihii hayn jiray.

Casuumadan uu maanta u fidiyay suldaan Ismaaciil suldaan C/raxmaan, ayaa jawaab u ah kadib markii   uu hore u  balan qaaday inuu gobolka Gabiley ku casuumi doono suldaanka cusub.

Casuumadaasi Qaddo sharafta ahayd waxaa ka soo qayb galay madax dhaqameed kala duwan oo ka soo jeedda gobolka Gabiley, salaadiin iyo cuqaal kale oo ka tirsan madax dhaqameedka Somaliland.

Wasiirro, siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadda Somaliland, maayarka Hargaysa, odayaal, waxgarad  iyo maamulka gobolka Gabiley, ka degmadda, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Suldaan Ismaaciil suldaan C/raxmaan, ayaa casuumadda uu suldaanka guud ee beelaha Somaliland u sameeyay ku tilmaamay mid uu wakil kaga yahay beelaha degga goboladda Maroodijeex iyo Gabiley.

DAAWO: Qaabkii Ay U Dhacday Casuumadaasi iyo Hadaladii Laga Jeediyay:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here