Shir Ka Socdey Adhi-cadeeye oo Gogol Nabadeed Laga Soo Saaray

0
1685

Laascaanood (Hargeisa Press) — Shir mudooyinkii ugu danbeeyey ka socdey magaalada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool ayaa lagaga dhawaaqay gogol nabadeed oo halkaasi loo dhigay beelo ay colaad dhimasho iyo dhaawac sababtay ku dhexmartay deegaanada Jidbaale iyo Boocda.

Shirkan oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen ergooyin ka kala yimi degmooyinka Xuddun, Taleex, Ceerigaabo iyo degaano kale ayaa waxa lagaga wada hadlayey colaado dhawra oo ka dhacay degaanadaas iyo Adhi-cadeeye oo haatan gogoshu taal.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland, Wasiirka Warfaafinta, Taliyaha Ciidanka Badda, gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta gunaanadka shirkan ka soo qayb galay ayaa halkaasi hadalo ka jeediyey.

Qaar ka mid ah cuqaasha beeshan gogosha dhigtay ayaa ku dhawaaqay in wallaalohooda gacantu kala gaadhey ay gogol nabeed ugu dhigayaan magaalada Adhicadeeye ee haatan shirka u fadhiyaan, waxaanay balan qaadeen in wixii dhacay ay dhamaynayaan haba kala horeeyaane.

“Waxaa yaab leh qof dhiman lahaa oo Illaahay oofsaday ayaa dad badan galaafanaya, haduu iskii u dhintana daqiiqado ayaa lagu ilaawaa, hala ogaado in labadana Ilaahay oofsaday, hadana waxaan Gogol u dhignay walaalahayo si aan u dhamayno wixii dhacay si aanay waxdanbe u galaafan”  sidaa waxaa yidhi Cabdilaahi Garaad Saleebaan isagoo intaas ku daray in tii ka dhacday Adhicadeeye iyadana ay ku xigi doonto.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faaratoon) iyo Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo si aad ah ugu dheeraaday dadaalka xukuumadu gelisey hakinta colaadaha degaanadaasi ka dhacay oo ay sheegeen in ay u joogeen sidii xal loogu heli lahaa.

“Waxaan hada u gudbaynaa dhinaca kale waxaana rajeynayaa in ay aqbali doonaan gogogosha aad dhigteen, waxaana filayaa in ta Adhicadeeyena raaci doonto” sidaa waxaa yidhi Wasiirla arrimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faaratoon.

Si kastaba ha ahaatee mudo laba todobaad gaadhaysa waa talaabadii u horeysey ee hore loogu qaado laba colaadood oo ka kala dhacay Jidbaale iyo Boocda mida labaadna ay ka dhacday Adhicadeeye, waxaana la odhan karaa ta hore waa mid si gooni gooni ah loo khafiifiyey go’aan ka gaadhisteeduna ay aad u fududahay halka dad badanise ay ka cabsi qabaan ta adhicadeeye oo aan la faragelin sideedaba, walow yeedho wanaagsan saadaasha ka muuqanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here