Isbedelka Siyaasada Ee Geeska Afrika iyo Isku Eekaanshaha Taariikhda

0
1547
Muhamed Dhimbiil

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxa uu noqday oo uu Madaxwaynihii dawlada kumeelgaadhka ahayd ee Somalia mudane Sheekh Shariif u magacaabay Raisal wasaare dhamaadkii bishii oct 2010.

Waxaa uu baarlamaankii dawlada kumeelgaadhka Somalia ku ansixiyey 31-Oct -2010 cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Khilaaf soo kala dhex gallay isaga iyo Madaxwaynaha ayaa sababay in Farmaajo shirkii lagu qabtay Kampala,  Uganda lagu qanciyo in uu is casilo oo uu kursiga baneeyo.

19-June-2011 ayuu is casilay Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo isaga oo aqbalay heshiiskii lagu soo gaadhay Kampala sidaasina waxa uu ku baneeyey kursigii Raisal wasaaraha halkaasi oo ay xukuumadiisii ku dhacday.

ISKU EKAANSHAHA XAALADAHA HADA TAAGAN IYO TAARIIKHDAA HORE

Raisal wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali khayre ayaa uu Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi farmaajo u magacaabay 23-feb-2017 Raisal wasaare oo ahayd maalin ka dib markii la doortay Madaxwayne Farmaajo ee loo dhaariyey xilka.

1-March – 2017 ayaa baarlamaanka Somalia cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Raisal wasaare Xasan Cali Khayre  , xiligaasi oo uu Madaxwayne Farmaajo ku sheegay in ay tilmaamayso codkaa kalsoonida ah ee lagu ansixiyey midnimo soomaaliyeed.

Raisal wasaare khayre iyo Farmaajo waxa ay wada shaqeynayeen sadexdii sanadood ee ugu dambaysay iyada oo la xaqiijiyey in uu ilaa 9bilood khilaaf jiray,  oo ay is hayeen.

Raisal wasaare khayre waxa uu tagey dalka Qatar oo ah halka laga wado xukuumada Farmaajo iyada oo uu la kulmay Raisal wasaare kuxigeenka dalkaasi,  30 -June-2020 waxyaabaha ugu muhiimsanaana ay ahayd in lagu qanciyo in uu iscasilo ama Madaxwaynaha u hogaansamo.

9-July-2020 ayaa ay xukuumadii Raisal wasaare Xasan Cali khaye ku dhawaaqday una codaysay in ay Somalia doorasho gasho oo aan la sameyn wax mudo kordhin ah lagana shaqeeyo sidii ay dhakhso doorasho ugu dhici lahayd.

12-July ilaa 14 July waxa magaalada Dhuusamareeb ay uga socdeen shir,  maamul goboleedyada Somalia oo mudo ku kala irdhoobay arimaha siyaasada Somalia,  shirkaasi waxa ka soo baxay in shir wadatashi la isugu yimaado magaalada dhuusamareeb oo dawlada federalka Somalia iyo maamul goboleedadu wadatashadaan.

Dawlada Federalka Somalia ayaa aqbashay waxaana magaalada dhuusamareeb lagu qabtay shirkii Dhuusamareeb 2 oo socday 19 ilaa 22 July halkaasi oo is-faham iyo is diidooyinba ay ka muuqanayeen.

Intii la joogay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ayuu baarlamaanka Somalia fadhiistay iyaga oo diidan shirkaasi,  hadalkii Farmaajo uu ku gebo-gabeeyey Dhuusamareeb ayaa ahaa in uu baarlamaanka Somalia u tago oo uu xog waramo dabadeedna la isugu soo noqdo shirka Dhuusamareeb 3 .

25-July-2020 ayaa dhacdo aan hore loo sii ogeyni ka dhacday baarlamaanka Somalia markii 170 mudane ay codka kalsoonida u qaadeen xukuumadii Raisal Wasaare khaire oo halkaasi lagu riday iyada oo ajandaha shirka aanay ku jirin arinkaasi taasi oo layaab ku noqotay aduunka iyo Somalia ba.

Isla 25 July 2:00 duhurnimo ayey Villa Somalia qoraal soo saartay in aqbashay go’aanka Golaha shacabka ka soo baxay taasi oo iyaduna layaab kale noqotay toosna loo ogooday halka ay Farmaajo iyo Khaire kala taagan yihiin.

25- July – habeenimadeedii ayuu Raisal wasaare khayre qabtay shir jaraaid waxaana uu ku sheegay waxaa ka dhacay Golaha shacabka ( baarlamaanka Somalia  ) in aanu sharci aheyn laakiin uu isagu is casilay una tudhayo dalkiisa isla markaana maadaama uu tacab badan galiyey in uu dalkiisa u shaqeeyo aanu horseed u noqon khilaaf ee uu tanaasuley.

Madaxwayne Farmaajo waxa uu sheegay in bil gudaheed uu ku soo magacaabi doono Raisal wasaare,  waxaana qabsoomay Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqan yihiin maamulada puntland iyo jubaland 15 ilaa 19 Aug 2020 kaasi oo loo malaynayo in uu dib u dhigey magacaabistii Raisal wasaaraha Somalia maadaama oo la kala qaybsamay iyada oo dhaaftay xiligii dadtuurku dhigayey.

Hadda Somalia waxa ay ku balansan yihiin in madaxda maamul goboleedada iyo dawlada federalka Somalia ay muqdisho isugu tagaan oo xal laga gaadho arinta doorashada oo is maandhaafka ugu weyni ka jiro, waxii intaa ka dambeeyana la soo dhiso xukuumad iyo Raisal wasaare cusub.

MARKA LA EEGO TAARIIKHDA ISKU EEG IYO TANAASULKA MUXUU NOQON DOONAA MUSTAQBALKA KHAIRE ?

Waa arin aad la isku weydiinayo oo dadku ku kala aragti duwan yihiin,  ha yeeshee hadii aan odorosno mustaqbalka khaire iyo waayihiisa siyaasadeed iyo xidhiidhkiisa beesha caalamka,  waxa la saadaalin karaa in uu Somalia Madaxwayne ka noqon karo,  hadii uu doorashadan noqon waayona ta dambe ay shaki la’aan tahay in uu Somalia hogaamiyo.

Somalia sida ay siyaasadeedu u taallo inta ugu badan waxa laga wadaa dibada oo dawladaha carbeed iyo beesha caalamka ayaa marba cidii ay dan u aragto keenaysa,  Farmaajo waxa keenay beesha caalamka oo tanaasulkiisii horena qayb ka ahayd markii uu Raisal wasaaraha ahaa gaar ahaan mareykanka oo aanay hada isku wanaagsanayn laakiin imika waxa wata oo uu gacanta ugu jiraa Qatar iyo Turkey iyo Ethiopia oo danahooga ka dhex arkaya.

Aragtideyda iyo saadaasha arimaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa.

Qalinkii: Hogaamiye Muxamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here