Somaliland oo Dalkeeda U Diiday Inay Soo Galaan Odayaal Ka Socda Beelaha Hawiye

0
3588

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xukuumadda Somaliland ayaa maanta waxaa ay dalkeeda u diiday inay soo galaan Odayaal dhaqan oo ka socday beelaha Hawiye.

Odayashan beelaha Hawiye ee loo diiday inay Somaliland soo galaan ayaa waxaa hoggaaminayey Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Odayaashan oo ku wajahnaa magaalada Hargeysa, balse diyaaradii ay ka raaci la haayeen Muqdisho ayaa ku war gelisay in Somaliland ay uga digtay inay soo qaado, sidaas darteedna ayna qaadi karin.

Mid ka mid ah odayaashaas, Muxiyaddiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Hargeysa u tagayeen xalinta dhib ay geysteen Dhilinyaro kasoo jeeda Hawiye oo ku xidhan Hargeysa.

Muxiyaddiin Xasan Afrax waxa uu sidoo kale sheegay in dadka uga xidhan Hargeysa qaarkood ay xabsiyadii lagu xukumay dhameysteen.

“Anaga seddax nin oo meesha ku xidhan ayaan xalkooda u soconay oo mid kamid ah isagoo xabsi ka baxsanaya uu askari dilay, waxaana dooneynay arintaas inaan kala xaajoono reerka askarigii dhintay,” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay safarkooda Hargeysa ku wargeliyeen odayaasha dhaqanka Somliland, reerka askarigu ka dhintay iyo cida ay arintani khusayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here