Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Burco Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo Uu Sababay

0
768

Burco, (HargeisaPress) —Shil baabuur oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay duleedka magaalada burco gaar ahaana degmada qoryaale oo ka tirsan gobolka togdheer Dhanka barina kaga beegan magaalada burco.

 

Waxaana sida naloo sheegay gaadhigan dhacay uu ahaa kuwa loo yaqaano dhaynaha ee xamuulka qaada,waxaana saarnaa dad rakaab ah iyo alaabooyin , waxaanau gaadhigan kasoo baxay deegaanka Qaraaro oo ka tirsan gobolka togdheer,isaga oo uu usoo jeeday magaalada burco.

 

Waxaana shilkan baabuur ee dhacay uu sababay khasaare dhimashada laba ruux  hlka 10 qof oo kalena ay dhaawac yihiin.

Maydka iyo dhaawacyada dadkan ayaa sida naloo sheegay loosoo qaaday cusbitaalka magaalada burco si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo dadka dhaawaca ah.

 

4 qof oo kamid ah dadkan dhaawacu soo gaadhay ayaa lagu waramayaa in xaaladooda caafimaad adag tahay isla markaana ay dhakhaatiirta cusbitaalka burco gacanta ku hayaan la tacaalida xaaladooda.

 

Ilaa hada ma jirto warar kasoo baxaya sababta uu u dhacay gaadhigani, balse waxa mudooyinkii u danbeeyeyba isa soo tarayay khasaaraha ay sababaan shilalka baabuurtu ee dhaca taasoo sida la qabo ay sabab u tahay laba xaaladood oo kala ah waddo xumo jirta iyo waliba wadayaasha gaadiidka oo aan masuuliyad ku wadin gawaadhida isla markaana ku kaxaynaya xawaare sare.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here