Sheekh Aadan-Siiro Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Fududeeyo Qabsoomidda Doorashada!

0
1024

Hargeysa,(HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin dhibaatada Qaadku u hayo Bulshada, doorashooyinka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sheekhu wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in dhibaatooyinka haysta Bulshooyinka Muslimiinta ah ee reer Somaliland ka mid yihiin ay tahay inaan wakhti fiican la gelin shaqooyinka, maaddaama oo shaqada oo wakhti badan la galiyaa qayb ka tahay Horumarka Bulshooyinka Adduunka.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta maxaa halkaa Muslimiinta dhigay, maxaa halkaa inaga dhigay? Goorma ayuu Ilaahay yidhi shaqada bilaaba, goormaase inaga shaqooyinku bilaabmaan? Waar marka Salaadda Subax la Tukado dhulka Illaahay ku faafa oo shaqo taga, lama odhanin Guryaha ku noqda, waa wax Qur’aanka ku sugan. Bal Dadkeena Ciidda cunayaa bal orda Xafiisyadeena taga, waa 8 Saacadood oo aynu hurudno, waa 8 saacadood oo aynu Qaad raadinayno, waa 8 Saacadood oo aynu fadhino.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Hoggaanku yahay Dadka, balse haddii Bulshadu noqoto mid aan shaqo diyaar u ahayn aan horumar laga filaynin “Hoggaanku halkuu ka yimaaddaa ? Dadka ayuu ka yimaaddaa, maxaad ka filaysaa Dadka Muslimiinta ah ee noocaas ah, Maskaxdii baa lagala dagaalamay Muslimiinta, baldhan ma samaystaan Muslimiintu, biyo lama soo baxaan, nolol khayaali ah oo taraf ah (ayay nool yihiin). Isreal waa lix Milyan Qof, maxay ku gumaysanaysaa  57 Dawladood oo Muslimiin ah Maanta, oo ay Maanta Buuralayda Goolan Haytis u qaadatay, oo ay Quddus u qaadanaysaa, oo Maanta la wadaa inay Siinaay qaadato, ? Sababtu waa in Muslimiintii seexdeen oo aanay doonayn inay shaqeeyaan..”

HargeisaPress News Desk = Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here