Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa 2021-kii Ee Wasaaradda Ganacsiga Oo la Abaalmariyay

0
568

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa abaal marino guddoonsiiyay shaqaalihii ugu shaqadda wanaagsanaa wasaaradaasi sanadkii tegay ee 2021-ka.


Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay abaal marinta shaqaalahaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland.


Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska, agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi, iyo shaqaale weynaha wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska.
Waxaanu xafladaasi wasiir Saajin, shahaado sharafyo ku gudoonsiiyay 35 ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi oo ahaa shaqaalihii ugu shaqadda wanaagsanaa sanadkii hore ee 2021-ka.

Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi ayaa si qiira leh uga hadlay dhiiri gelinta abaal marinta shaqaalaha wasaaradda iyo sida lagu mutaysan karo.

DAAWO: Khudbadii wasiirka ganacsiga ee Abaal marinta Shaqaalaha Wasaaradaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here