“Madaxweyne Muuse Biixi wax weyn buu ka qabtay horumarinta caafimaadka”…

0
325

Caynaba (HP): Wasiirka Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa Gaadhi unbalance ah kala wareegay wasiirka caafimaadka Somaliland.


Baabuurkan Unbalance-ka ah ayaa loogu talo galay deegaanka Ceelal ee gobolka Saraar, kaasoo hore wasiirka xidhiidhka goleyaashu ugu balan qaaday bulshadda deegaankaasi in ay xukuumadda dhexe u keeni doonto.
Marar kala duwan oo uu safarro shaqo wasiirka xidhiidhka goleyaasha qaranku ku tegay deegaanka Ceelal ee gobolka Saraar.
Baabuurkan unbalance-ka ah ayaa waxaa wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ku wareejiyay wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi.
Waxaana goob joog ka ahaa wareejinta baabuurkaasi wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, iyo masuuliyiinta deegaanka Ceelal ee gobolka Saraar.


Kala Wareegay Wasiirka Horumarinta Caafimaadka JSL Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi .
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu baabuurkaasi Unbalance-ka ah kula wareegayay ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi, uu wax weyn ka qabtay horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka Afartii sanno ee uu xilka hayay.
Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka Somaliland waxa kaloo uu sheegay in siyaasada madaxweynaha iyo ta xisbiga Kulmiye ay tahay in la horumariyo addeegyadda baahiyaha bulshadda ee aasaasiga ah.

“Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, wax weyn buu ka qabtay horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka Afartii sanno ee uu xilka hayay.
Waana siyaasada madaxweynaha iyo ta xisbiga Kulmiye in la horumariyo addeegyadda baahiyaha bulshadda ee aasaasiga ah” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Geesta kale wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa masuuliyiinta deegaanka Ceelal iyo bulshadaba kula dar-daarmay in ay ilaashadaan baabuurkaasi.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here