“ Shacbiga Somaliland Hadaannu Si Wanaagsan U Maamulnay Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxa Uu Maalmo Dhaw Kadib Noqon Doonaa Madaxwayniha Qaranka Somaliland.” Wasiir Maxamud Xaashi.

0
1770

Caynaba , (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la hadlay dadweynaha deegaanka Ool, waxaanu yidhi “ Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Oog, waxaannu ugu mahad-naqaynaa soo dhawaynta Loxdan iyo taageerada lixaadka leh ee aannu kala kulanay, maalmo kooban ayaa ka hadhay doorashadii madaxtooyada Somaliland, maalmo kooban ayaa ka hadhay mudadii uu madaxwayne Siilaanyo xilka ku wareejin lahaa madaxwayne cusub oo ummaddani dooratay, sadex xisbi ayaa tartamaya oo dan baynu moodnay inaynu bulshada u habayno qaab xisbiyeed ee aynaan u habayn qaab reereed.”

 

 

“ Xisbi waliba waxbuu fagaaraha la imanayaa shacabka reer Somaliland  ayaa ka gar-niqi doona, cida wax dooranaysaa waa shacbiga  anagu dacaayad iyo hadal tirro  iska  odhan mayno, makhraatina iskuma furno xataa hadanu is eedayno, cida makhraatiga furaysaa waa shacbiga Somaliland, annagu KULMIYE hadaanu nahay waxaannu nahay xisbigii talada gacanta ku hayay, waanu ka duwan nahay labada xisbi ee mucaaridka ah, waa ka nasiib badan nahay, waana ka ayaan badan nahay, dhanka kale waa ka imtixaan adag-nahay labada xisbi ee kale annagu imtixaan adag ayaannu soo marnay muxuu ahaa imtixaankaas? shacbiga Somaliland  iyo inta codaynaysa ayaannu maamulnay, nin wax maamulayna waad taqaanaan oo ninbuu qardabaa, midbuu riixaa, midbuu wax siiyaa markaa anagu imtixaankaas adag ayaannu ku jirnaa ,shacbiga Somaliland  hadaannu si wanaagsan u maamulnay mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maalmo dhaw kadib noqon doonaa madaxwaynihii qaranka, hadaanu taladii dalka uu KULMIYE  ku fashilmay waxaannu noqon doonaa kuwo shacbigu codkooda ku karbaasho oo yidhaahdaan maya oo ma gaydaan.”

Waxaanu intaasi ku daray “ Waxaannu aaminsanahay oo shacabka Somaliland  intooda badani qirayaan in xukuumadda madaxwayne Siilaanyo tahay xukuumaddii waxqabadka waar saw markhaati kama tihidin?  markhraatigiina janada Alle ha furo, beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa annagu waxaannu leenahay markhaatigayagu waa shacbiga, KULMIYE horumar ayuu sameeyay, nabad ayuu sameeyey gobolkan Sool colaad ayaa taalay, nabad-darro ayaa taalay KULMIYE intaanu la wareegin degmadan Oog ayay xabadu ka dhici jirtay, Gawsa-wayne ayay ka dhici jirtay oo ragga lagu layn jiray, KULMIYE ummaddii wuu heshiisiiyey oo maanta meel qarankan meel xabadi ka dhacaysaa ma jirto waayo KULMIYE wuxuu raratay hogaamiye hayin ah, oo gurguurshaa waa Axmed Siilaanyo caqligiisii ayuu ku hoggaamiyay, ardaydii ka soo aflaxday malcaamada Axmed Silaanyo oo aan anigu ku jiro, Muuse Biixina nagu hogaaminaayo ayaa KULMIYE-ha cusubi uu yahay, saddexda musharax ee tartamaya annagu waxaannu wadnaa kii gur-gurshaaga ahaa maxaa lagu yaqaanaa gur-guurshaaga waxa la saaraa maxasta,maatida waxa jajabaysa, kaayagu layli maaha jarro barad ah KULMIYE waa kaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here