Shacabka Suudaan oo wali diidan xukunka milatariga

0
1207

KHARTUUM — Kumannaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa wacad ku maray in ay sii joogi doonaan waddooyinka caasimadda dalka Suudan ee Khartoum, waxa ayna ku gacan seyreen bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer soo xukumayay dalkaasi ayaa shalay oo kahmiis ahayd la inqilaabay, kadibna xabsiga la dhigay.

Balse dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in golahani cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Ismaandhaafkani cusub ayaa sade qaaday cabsi ah in rabshado iyo isku dhacyo dhex maraan dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga.

Waxaa sidoo kale jira khatar dhab ah oo ah in qaybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka ay iyaga dhexdooda dagaalamaan, sida uu sheegaya tifaaftiraha BBC-da ee Africa Will Ross.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa labaduba ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Dabaaldegyadii ka dhashay xarrigga madaxweyne Al-Bashiir oo 75-jirka ah ayaa markiiba isu badalay caro ka dib markii dadka dibadbaxyada dhigaya ay ku baaqeen in ay hor fariistaan xarunta milatariga dalkaasi.

“Maamulkani cusub waxa uu la mid yahay kii hore,” ayuu yiri Sara Cabdeljaliil oo ka tirsan ururka Xirfadlayaasha reer Suudaan. “Sidaa daraadeed waxa aan ubaahanahay ayaa ah inaan si nabad ah u sii wadno dagaalka iyo kacdoonka.”

Gelinkii dambe shalay oo khamiis ahayd ayaa qoraal rasmi ah oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in bandowgu uu socon doono laga billaabo tobanka fiidnimo ilaa afarta aroornimo.

“Muwaadiniintu waxaa lagula talinayaa in ay amarkaasi u hoggaansamaan sababo la xiriira amnigooda,” ayuu lagu yiri qoraalkaasi, waxaana intaasi lagu daray: “Ciidamada qalabka sida iyo golaha amnigu waxay fulin doonaan waajibaadkooga ah inay ilaaliyaan nabadda iyo amniga isla markaana ay ilaaliyaan hantida iyo nolasha shacabka .”

Dadka isugu soo baxay waddooyinka Khartuum ayaa lulayay calamo, waxa ayna ku dhawaaqayeen “mar kale ha dhaco!”, iyaga oo soo cusbooneysiiyay hal ku dhigyadii ay ku dhawaaqayeen markii ay ka soo horjeedeen xukunka Cumar Al-Bashiir.

Mr Bashir ayaa ah mowqifka maxkamad caalami ah oo ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), kaasi oo ku eedeeyay inuu abaabulo dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada ka jirta gobolka galbeedka Darfur.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxaa aad u doondoonaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICC), taasi oo ku eedeeysay inuu abaabulay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka galbeedka ku yaal ee Darfur.

Ma cadda sida uu noqon doono mustaqbalka Al-Bashiir maadaama uu haatan xabsi ku jiro.

Sidee buu inqilaabku ku billowday?

Aroornimadii hore ee shalay oo Khamiis ahayd ayaa gawaarida milatariga dalkaasi waxa ay galeen dhismaha weyn ee ku yaal magaalada Khartuum ee ay ku yaaliin wasaaradda gaashaandhigga, xarunta ciidamada milatariga iyo guriga madaxweyne Al-Bashiir.

Taleefishinka iyo idaacadda qaranka ayaa hakiyay barnaamijyadii caadiga ahaa eek a bixi jiray, waxaana wasiirka gaashaandhigga Cawad Ibn Cowf uu ku dhawaaqay “in dowladdii la afgambiyay”. Waxa uu sheegay in madaxweyne Al-Bashir lagu hayo “meel ammaan ah” laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here