Shacabka Gobalka Hawd oo Dareen Isbedel Doonnimo Ku Qaabilay Weftigii xisbiga WADDANI + SAWIRO

0
899

Balli-gudbadle , (HargeisaPress) —Weftigii SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaal lagu wacyi-gelinaayo ka qeyb-qaadashada diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland ku maraayey goballada ay ka billaabantay diiwaan-gelintu ee Saaxil iyo Hawd, ayaa maanta si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn looggu soo dhaweeyey qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada gobalka Hawd iyo weliba sida oo kale magaalo madaxda gobalkaasi ee Balli-gubadle.

 

57b78aeb-c038-4d2d-b60c-fc5d348f2a19

Waxaana weftigan oo guddoomiye Cirro, ay ku wehelinaayeen guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Cabdi Haybe, Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo mas’uuliyiinta kale oo aad u tira badan.

5421a76f-9ecb-4fbb-aa78-b7073694e2da

Weftigan oo socdaalkiisii ku soo maray deegaanada Darfacle, Widh-widh, Ina-Cunaaye, Warta Maxamed Fanax, Hunguri Gorayo, Gumar, Kaabadda Galbeed iyo magaalada Balli-gubadle, ayaa guud ahaan dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi ay weftigii SAMA-WADE ku qaabileen dallaayado ay ka tolleen calanka WADDANI, caleemo qoyan iyo sida oo kale lulidda calanka liimiga ah ee astaanta u ah xisbiga WADDANI, waxaana ay sida oo kale ku dhawaaqayeen hadalo ay ku muujinayeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay hormuud ka noqdaan isbedel dhabba oo guud ahaan ka hana-qaada dalka oo idil, iyaga oo muujiyey sida sida heelanaanta ah ee ay u taageersan yihiin xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in uu yahay xisbigii midnimada, horumarka, sinnaanshaha iyo cadaaladda, halka ay xisbiga Kulmiye ku dhalliilayeen in uu hore uga been sheegay in uu guud ahaan deegaanada uu ka suurto-geliyo wax-qabad ay u aayaan shacabka ku dhaqan gobalka Hawd.

 

f2042226-3558-4302-9331-feba40d063d5

“Soo dhawoow, soo dhawoow, geesigii aan godobta lahayn, soo dhawoow, geesigii aan godobta lahayn, waanu ku faraxsanahay in maanta uu na soo gaadho, guddoomiyaha xisbiga horumarka ee WADDANI, hore ayaanu u aragnay waxqabadkiisa oo waaa xisbigii nagala qeyb-qaatay abaarahii ba’naa ee na saameeyey, waxaana aanu hubnaa in mar walba uu sidaas noo garab istaagi doono. Kulmiye dooni mayno….dooni mayno, waxaana aan idiin sheegaynaa ku soo dhawaada quluub idin jecel, ku soo dhawaada magaaladiinii, ku soo dhawaada deegaano uu dhab ka yahay isbedelku, oo u heelan xisbiga WADDANI.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

 

a0b0ab8a-207f-4e48-b7a6-e24762abebbd

Wasiirkii hore caafimaadka xukuumaddii Daahir Ra’yaale ahna sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI siyaasi Cabdi Haybe, xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, Ooto Biixi iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna hakaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta ay deegaanada gobalka Hawd iyo Balli-gudbadle ay si weyn ugu soo dhaweeyaan xisbiga midnimada iyo cadaaladda dalka, waxaana ay shacabka u sheegeen in aanay marnaba diyaar u ahayn in ka shacab ahaan ay doortaan xisbiga Kulmiye oo ay sheegeen in uu ahaa xisbi hagraday bulshada gobalka Hawd isla mar ahaantaana ma’gaydo lagaga tilmaamay in ay ka qeyb-qaataan siyaasadda xisbigaasi.

5305311f-e75c-44d7-8299-e7687f34503f

 

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu maanta si weyn ugu faraxsan yahay sida ballaadhan ee xornimada ah isla mar ahaantaana ay ka muuqato dareenka isbedel-doonimo  oo horseed u noqon kara in uu ka suurto-galo guud ahaan dalka, waxaana uu tilmaamay in shacabka reer Hawd ay yihiin xudunta iyo sida oo kale mishiinkal aga dhaqaajiyo isbedel tolmoon oo shacabka u horseeda horumar iyo badhaadhe, waxaana uu tilmaamo kooban ka bixiyey taariikhda dheer ee ay lee dahay magaalada Balli-gubadle.

da507bcc-05ad-47fd-8047-af2f34302597

 

“Farxadweyn ayey noo tahay in aad maanta na soo dhaweysaan, waana aanu ku faraxsanahay sida qiimaha badan ee aad noo sharafteen, waxa idin ka muuqata dareen isbedel oo dhabba, waxa idin ka muuqata in aad diyaar u tihiin in aad  hormuud ka noqotaan isbedelka tolmoon ee aanu idiin wadno. Magaalada Balli-gudbadle waa magaalo taariikhi ah, haddii ay tahay halkii iyo weliba xilliyaddii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland, Balli-gudbadle, waxa ugu horreyn degmo u magacaabay madaxweynahii  ugu horreeyey ee Somaliland Md.Cabdiraxmaan Tuur(AHUN) iyo Xasan Ciise oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisii, xukuumaddii Daahir Ra’yaale oo Cabdi Haybe ka shaqeynaayeyna waxa loo magacaabay gobal, se xisbiga Kulmiye muddadii uu xilka hayey waxa muuqata in uu hagraday guud ahaan gobalka, balse xisbiga WADDANI-na waxa uu diyaar u yahay siddii uu u qabyo tiri lahaa guud ahaan baahiyaha kala duwan ee gobalkan, ballanta aanu qaadnana ma raagto, waana aanu fulinaa.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here