Sh. Mustafe Ismaaciil oo Si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Laascaanood + SAWIRRO

0
1292

Laascaanood, (HargeisaPress) —Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, ayaa soo gaadhay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo ay ka socdaan Muxaadarooyin Diini ah oo ay culummada Gobolku ka wadeen Magaalada.

 

Imaashaha Sh. Mustafe ayaa waxaa warbaahinta hadal kooban ugu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Muxaadarooyinka Sh. Siciid Mustafe X. Nuur oo sheegay inuu ka qayb ka yahay Sheekhu Muxaadarooyinka ka socda Magaalada oo soconaya muddo todoba maalmood ah.

Sheekh_Mustafa_Xaaji_Ismaaciil_Haaruun (2)

Sidoo kale, Nadwooyinkan oo Habeenimadii xalay ka billowday Masaajidka Jaamaca ah ee Laascaanood, ayaa waxaa furay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo sheegay inay faa’iido badan u leh Bulshada, isagoo xusay in ay ka qayb-qaadan doonaan Culumo kala duwan iyo Mawduucyada ay u arkeen in bulshada ay wax-tar u leeyihiin.

Sheekh_Mustafa_Xaaji_Ismaaciil_Haaruun (1)

Ugu dambeyntii, Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil, ayaa Caawa hoolka Jaamacadda Nugaal kula hadli doona bulshada ku noo degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here