Safiirka Somaliland ee Taiwan, Ambassador Maxamed Xaaji, waa Xiddig Helay Godkiisii..!!!

0
1240

Tan iyo markii la magacaabay Safiirka Somaliland u fadhiya magaalda Taipei ee waddanka Taiwan, Ambassador Maxamed Hagi maxamuud waxa uu noqonayaa  taariikhda markii ugu horraysay ay Siyaasaddu arrimaha dibadda Somaliland ay wareegto ama kor u socoto cabbir dhan saddex meelood lab,a ayna u dhowaato figta sare ee buurta yoolka ay higsanayso Somaliland tan iyo la soo noqoshadii madaxbanaanida.

Magacaabista la magacaabay Ambassador Maxamed Xaaji, waxay dhulgariir ku nqotay oo hurdo iyo jiifba u diidday mid ka mida Waddamada awoodda sheegta oo ah China oo ah waddan Veto power leh,ka dib Markii safiirka muqdisho u fadhiya China Mr Qin Jian uu isku soo maqiiqay Somaliland isagoo horena ay hadalo gef iyo meel ka dhac ku ah Somaliland afkiisa ka soo baxeen waxayna u muuqatay inay ka wada socdeen xukuumadda taagta yar ee Muqdisho, hase ahaatee waji gabaxii ku qabsaday iyo khajilaaddii waa la ogaa ka dib markii uu madaxweynuhu ka diiday inuu la kulmo,waayo waxa uu rabay waxay ahayd joojiya xidhiidhka Taiwan la yeelateen,faro madhan ayay kala carraabeen isaga wefdi ka yimi china oo xoojin ahaa,waxa kaloo xusid mudan sida ay u bogaadisay Dowladda maraykanku xidhiidhka labada dal,waxan uga socdaa waxa arrintaas keentay  xidhiidhka cusub ee ka dhex unkamay Somaliland iyo Taiwan taas oo in muddo ah ka soo shaqeeyay Maxamed Hagi maxamuud.

Waxad ka garan kartaa Heerka ay gaadhsiisnayd magacaabista masuulkan dhiggiisa Somaliland ay u soo magacowday waddanka Taiwan Mr Chen-Hwa, wuxu ahaa qunsulkii xafiiska dhaqaalaha ee Taiwan u fadhiyay Riyaad “Saudi Arabia” oo ah waddamada Saliidda Qaniga ku ah isla markaana lagu tilmaamo waddanka shidaalka ugu badan soo saara caalamka,halkan waxad ka fahmaysaa,heerka iyo maqaamka uu gaadhsiisanyahay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Sidaas darteed guntii iyo gunaanad waxan odhan Maxamed Hagi halkaas aad imika ka waddo meelo ka sarraysa hore ugu soco ilaahayna la kaasho waxa suurto gal ah inaad taariikhda baal dahab ka gasho oo aad noqoto shakhsigii ugu horreeyay ee ku guulaysta Ictiraafka Somaliland,

Maxamed Haji Maxamud oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah oo wax ku bartay dalka Ingiriiska, waxa uu yahay siyaasi qunyar socod ah, oo ku xeel dheer arrimaha siyaasada aduunka iyo tan gobolka geeska Afrika, 

Dadka siyaasada ka faallooda waxa ay Ambassador Maxamed Haji ku tilmaaman in uu yahay siyaasi da`yar oo ku gaamuuray arrimaha caalamka iyo siyaasada caalamka, waxanu markiiba dhaqaajiyay mishiinka wada shaqaynta laba dal ee Taiwan iyo Somaliland, waxa sido kale uu markiiba miiska saaray siyaasada guud ee Somaliland iyo sida loo bilaabi karo wada shaqayn labada dhinac ah, taasi oo ku dhisan iskaashi iyo Isfaham guud

Xafiiska Somaliland ee ku yaala Taiwan, ayuu markiiba albaabada u furay isaga oo u sameeyay furitaan weyn iyo xaflad heer sare ah, waxa sido kale uu kulamo la yeeshay madaxda dalka Taiwan oo ay ugu horayso madaxweynaha dalkaasi,

Shacabka Somaliland oo indhaha ku haya talaabooyinka wax ku oolka ah ee uu qaaday Ambassador Maxamed Haji waxay rajo geliyeen shacabka Somaliland, waxanay ka rajaynayaan in uu miiska dhigo qadiyada Somaliland, sido kalena Somaliland, uga helo dalka Taiwan Deeqo waxbarasho  iyo kuwo caafimaad, waxa sido kale laga filayaa in uu albaabada u furo suuq ganacsi oo weyn oo dhex mara labada dhinac, kaasi oo ay ka faa`iidaystaan shacabka labada wadani. 

Madaxweynaha Somaliland waxan ku bogaadinayaa talaabada uu ku magacaabay Ambassador Maxamed Xaaji oo aan leeyahay waa talaabadii ku haboonayd ee xafiiskaasi u baahna waxanan leeyahay Amssador Maxamed Haji waa Xiddig helay Godkiisii

 

W/Q, Khadar Xaaji Ibrahim Maxamud 

khadarhagi93@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here