Laascaanood (Hargeisa Press): Xubno ka tirsan guddiga xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa maanta gaadhay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaanay kormeer indho-indhayn ah ku trgeen xabsiga dhexe ee Laascaanood, saldhigyadda booliska magaaladaasi iyo meello kale.
Sidoo kale xubnahan komishanka xuquuqal iinsaanka qaranku waxay kulan la qaateen badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.
Rooda Axmed-yaasiin, oo ah xubin ka tirsan guddiga xaquuqal iinsaanka qaranka oo weftigan hogaaminaysa ayaa faahfaahin ka bixisay u jeedadda safarkoodda.
Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.