Xoghayaha Cusub Ee Dawladda Hoose Ee Balli-gubadle Oo Xilka La Wareegay

0
788

Balli-gubadle (Hargeisa Press): Badhasaabka gobolka Hawd  ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee dawladda hoose ee Bail-gubadle iyo xoghayaha cusub.

Badhasaabka gobolka Hawd Axmed Cige Yare, waxaa ku wehelinayay xil wareejintaasi  gaasimaha waaxda maamulka goboladda iyo degmooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cali.

Waxaana munaasibadda xil wareejinta joogay maayarka magaaladda Bali-gubadle, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Bail-gubadle, salaadiin, culimaw-diin iyo masuuliyiin ka tirsan xibsiga Kulmiye.

Daawo: Hadaladii Laga Jeediyay Xil Wareejintaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here