Sacuudi Carabiya oo War Cusub Ka Soo Saartay Xajka Sanadkan

0
1147

Riyadh (Hargeisa Press) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa ay maanta ku dhawaaqday in Xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujay ah oo ku nool Sacuudiga.

Go’aanka Sacuudi Carabiya, ayaa ka dhigan in dhammaan xujeydii ka iman lahayd guud ahaan caalamka ayna gudan karin xajka sanadkan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka haysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxayn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqo doonto in ay si buuxda u soo qaataan tallaalka lagaga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan, ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda inagu soo haysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here