Roobab Mahiigaana Oo Ka Da’ay Jabuuti Oo Ay Dad Ku Dhinteen

0
644

Jabuuti (Hargeisa Press.com): Laba qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen roobob laxaad leh oo xalay ilaa maanta ka da’ayay dalka jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo khasaare kala duwan sababay.

Labadda qof ee roobabkaasi ku dhintay ayaa la sheegay in ay ahaayeen gabdho yar yar oo ciyaal iskuul ah, kuwaasoo dhiganayay dugsiga dhexe ee Buulo-cawsta ee magaaladda Jabuuti.

Waxaanay wararku sheegayaan in roobabkaasi mahiigaanka ah ay sababeen in wadooyinku ay xanibmaan, isla markaana xaafadaha qaarkood ay keentay in uu joogsado isu-socodka gaadiidka iyo dadkuba.

Iyadoo ay jiraan in Daadadkii ka dhashay roobkaasi ay dumiyeen guryo fara badan, isla markaana ay la tegeen hanti kala duwan oo aan weli si rasmiya loo haynin tira-koobkoodda.

Maayarka caasimadda Jabuuti Faadumo Cawaale Cismaan, ayaa ka hadashay dhibaatadda ka dhalatay roobabkaasi iyo khasaaraha dhimashadda ee ay sababeen daadadku.

“Xalay ilaa maanta waxaa ka da’ayay magaaladan Jabuuti, roobab xoog leh. Daadadku wadooyinka ayay xidheen, waxaana la wadaa hawl galadii lagu banaynayay  wadooyinka xidhmay”ayay tidhi maayarka caasimadda Jabuuti.

Inkastoo roobku uu magaaladda Jabuuti oo dhan ka wada da’ay hadana waxa uu waxyeeladda u gaystay xaafado gaara, iyadoo ay socdaan dedaaladda lagu banaynayo jidadka, sida ay sheegtay maayarka caasimadda Jabuuti Faadumo Cawaale Cismaan.

Waxaanay tidhi “Saddexda xaafadood ee Arxiiba, Angella iyo Kaartee Seed, waa saddexda xaafadood ee ugu daran, ee ay biyuhu guryaha galeen, wadooyinka-na xanibeen. cid kastoo ay hawshaasi khusayso, si xoogan ayaa loo wadaa”ayay tidhi maayarka caasimadda Jabuuti.

Geesta kale maayarka caasimadda Jabuuti waxay ka hadashay labadda gabdhood ee roobabkaasi ku geeriyooday, waxaanay sheegtay in waalidiinta dhalay gabdhahaasi ay u tegeen, isla markaana ay uga tacsiyadeeyeen dhibaatadda ku timid.

Maayarka oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “ILLAAHAY SWT, waxaan u waydiinayaa waalidiinta gabdhaha geeriyooday iyo reer Jabuuti oo dhan in ALLE Samir iyo iimaan inaga siiyo.

Dugsiga ayaanay ku jireen labadda gabdhood ee geeriyooday. Waalidiinta dhalayna waan u tagnay.

Waa run oo marka ilmo ka dhinto waalidka murugadu way jirtaa. Laakiin, Raxmaanka ayaa qadaray, waanan garab taagan nahay mar walba waalidiinta caruurtu ka dhimatay”.

Sidoo kale waaxda Dab-demiska ee dalka Jabuuti ayaa wadda hawl gallo ay ku banaynayaan wadooyinka ay xidheen Daadadku iyo sidoo kale guryaha uu khasaaruhu ka soo gaadhay roobabkaasi.

Dhinaca kale waaxda saadaasha hawadda ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in la filayo in maalmaha soo socda ay sii socdaan roobabka mahiigaanka ah.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here