Roobab Laxaadle oo Laga Digay Inay Ka Da’i-doonaan Xeebaha Somaliland

0
1443

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, gaar ahaan waaxda saadaasha, ayaa digniin ka soo saartay Roobab laxaad leh oo la saadaaliyey inay ka da’i doonaan xeebaha Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Saadaasha ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Xafiiiska Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta  Beearaha waxay Digniin u diraysaa dadweynaha ku nool xeebaha Somaliland, gaar ahaan Degmooyinka Lughaya iyo Saylac inay ka feejignaadaan Roobab waawayn oo la filayo in ay ka da’i doonan xeebaha 24 Saacadood ee inagu soo waajahan, taas oo saadaashu sheegayso inay xeebta Lughaya iyo Saylac ay ku  Wajahan yihiin roobab xadigooda sareeyo oo lagu qiyaasay 150mm ilaa 200mm.

Fiiro gaar ah:

Hadaba dad weynaha ku nool meelaha aanu soo sheegnay waxa la farayaa in ay ka feejignaadan ama fogaadaan meelaha biyo-mareennada ah iyo meelaha dooxooyinka ah.

Sidoo kale, waxaanu digniin u diraynaa dadka kaluumaysada ah inay kala baxaan laasashkooda iyo agabka kale ee ay ku kaluumaystaan.”

May be an image of map and text that says 'Zeylac Rainfall (mm) Lughaye al Av Lughaye 0-2 2-5 5-10 10-20 Baki Baki Borama 20-30 30-40 40- 50 Borama Gebiley 50-100 100 150 Harg 150 200 200-250 200'

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here