Taariikhda Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Maanta Lagu Aasay Hargeysa

0
1206

Hargeysa (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay xabaalaha Toon ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa, Marxuum Siciid Maxamuud Gahayr, oo ahaa abwaan iyo qoraa caan ah.

Alle ha u naxariistee, aaska marxuum Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaano, abwaanno, siyaasiyiin iyo boqolaal dadweyne ah iyo ehelada Marxuumka.

Wasiirro, xukuumadda, xisbiyada mucaaradka iyo abwaano, xildhibaano iyo dadweyne kala duwan, ayaa ka xog warramay taariikhdii marxuum Siciid Maxamuud Gahayr.

May be an image of one or more people

Waxaanay masuuliyiintu marxuumka ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi wanaagsan, isla markaana ka shaqayn jiray xuquuqda bini’aadka.

Marxuum Siciid Gahayr, waxa xanuun ku soo booday gelinkii dambe ee Khamiistii, waxana la dhigay cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa oo uu saaka ku geeriyooday.

Marxuunku wuxuu ahaa hal-abuur, bare iyo qoraa, soo saaray buugaag u badan arrimaha suugaanta, waxa ka mid ahaa buugagii uu qoray Qur’aanka iyo Sayniska, Hal-diiq, Sama-talis, astaantii nabada, Miisaanka Maansada, Waayihii Xabsiga, Maan-koriye Awliyow laga dood iyo buugaag kale.

Kumuu ahaa Siciid Maxamuud Gahayr

Sanadkii 1986-dii ayuu abwaan Siciid Gahayr ku dhashay magaalada Hargeysa. Dugsiga hoose dhaxe wuxuu ka baxay iskuulka Riis, dugsiga sarana wuxuu dhigtay iskuulka Maxamuud Cali, halka jaamacad Hargeysa uu ka qaatay shahaadada kowaad.

Alle ha u raxmadee Gahayr wuxuu ahaa macalin, qoraa iyo hal abuure suugaaneed oo si weyn looga yaqaana dhulka Soomaalida.

Wuxuu lahaa ilaa toddobo buug oo qaybtood uu gacanta ku hayey inta aanu geeriyoon iyo kuwa soo baxay oo la daabacay.

Marxuunka, ayaa ifka kaga tagay laba xaas iyo wiil lagu magacaabo Cadnaan Siciid Maxamuud Gahayr.

Waxbarashada Somaliland ayuu ku lahaa door muuqda, wuxuuna inta badan dugsiyada sare ee Hargeysa ka ahaa macalin maadada Bayoolajiga ka dhiga.

Dugsiyda sare ee uu baraha ka ahaa waxay kala yihiin Gacan libaax, Quule, Maxamuud Axmed, Nuuradiin iyo kuwa kale oo badan.

Sugaantii Abwaan Gahayr.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa ka soo jeeda qoys suugaaneed. Aabihii ayaa gabyaa ahaa halka hooyadiina tirin jirtay buraanburka.

Laakiin isagu wuxuu badaha maansada yabyabkeeda bilaabay intii uu ku jiray waxbarashada sare, sanadkii 2007-dii xiligaas oo curunteeda uu bilaabay.

Wuxuu lahaa suugaan kala duwan oo gabayo u badnaa sida ‘Dugaal, Dunta Nabada iyo Hiigsi nabadeed ee colaad laga hadlayey’ oo ay ku wada jiraan abwaano kale duwan.

Maansada ugu caansan ee uu tiriyey, ayaa lagu magacaabaa ‘Samaan Hooyo’ oo ah maanso xambaarsan hilow uu u qaaday hooyadii xilli uu waxbarasho u tagay dalka Pakistan.

Buugaagtii uu qoray

ABWAAN GAHAYR

Allaha u raxmadee abwaan Siciid Gahayr wuxuu ahaa qoraa sameeyey buugaag kala duwan oo dhaqanka, nolosha iyo jacayl ku saabsan iyo kuwo kale oo uu ka qoray dad taariikh ku lahaa Somaliland.

Sida uu hore u sheegay sanadkii 2005-tii ayuu bilaabay qoraalka isagoo Idaacada Radio Hargeysa gayn jiray maqaalo.

Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ahaa buug uu ku tilmaami jiray inuu ahaa curadka buugaagtiisa kaas oo uu ka qoray taariikhda alle ha u raxmadee Xaaji Cabdi Waraabe oo lagu kala magacaabi jiray ‘Astaantii Nabada iyo Sama-Talis’.

Kuwa kale oo uu qoray waxaa ka mid ahaa kuwa inta badan taabanayey nolosha dadka iyo kuwa uu ku baaqayey in qabyaaladi ayna meelna looga hormari karin.

Hoos ka daawo aaska marxuumka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here