Cabdikariin Xuseen Guuleed: “Waxba Iskama Bedalin Siyaasadda Soomaaliya Ee Wadahadallada Somaliland”

0
2072

Muqdisho (Hargeisa Press)- Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay arrimo xaasaasi ah oo la xidhiidha wada-hadallada labada dowladood ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo halka uu marayo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in wax isbeddal ah ayna ku iman wada-hadallada labada dowladood ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayna sii socon doonaan inta laga gaadhayo midnimada, sida uu ku dooday.

“Wax iska beddalay wada-hadalladii iyo siyaasaddii Soomaaliya kula dhaqmeysay Somaliland iyo wada-hadalladeeda ma jiraan, meeshii ayayna ka sii soconayaan” ayuu yidhi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabto Somaliland, isaga oo xusay in ay tahay xaq, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo xalka guud, si la’isugu soo laabto.

“Nimankaas walaalaheena ah ee reer Somaliland oo runtii gocasho aad iyo aad u weyn tabanaya, ayna tahay mid xaq ah oo dhab ah waxay u baahan tahay dhammaanteen sidii aan xanuunkaas iyo gocashadaas uga soo baabi’in lahayn, Soomaaliya inteeda kalena ay dib ugu soo laabtaan aan uga shaqeyn laheyn” ayuu mar kale yidhi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Marka laga soo tego amaan darrida guud ee jirta iyo nimanka Al-Shabaab, dhibaatada labaad ee Soomaaliya hortaagan waxa ay tahay midnimadii dalkaa kala dhantaalan, dowlad dhiskii ayay caqabad ku tahay, dastuurkii ayay caqabad ku tahay wax kasta ayay ku tahay caqabad”.

Ugu dambeyn wuxuu Cabdikariin Xuseen Guuleed dalbaday in si guud loogala shaqeeyo arrinta wada-hadallada si loogu gaadho midnimada iyo wadajir, waa sida uu hadalkiisa u dhigee.

“Anigu waxaan rabaa in midnimada la’igala shaqeeyo, waayo ahmiyad weyn ayay leedahay midnimada” ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here