Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo Khasaaraha Uu Gaystay + SAWIRRO

0
1367
oobab Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Ceerigaabo, (HargeisaPress) —Degaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxa laga soo sheegayaa inuu ka da’ay roobab mahiigan ah oo dabaylo wata kuwaas oo waxyeelooyin u gaystay dadkii reer guuraaga ahaa ee deegaanadaasi ku dhaqnaa oo marka horeba ay abaari saamaysay.

Waxaana la sheegay inuu roobkan dabaylaha wataa ee ka da’ay deegaanadaasi uu laayey xoolo tiro badan oo lagu qiyaasay 18 ilaa 19 Kun oo Xoolo ah kuwaas oo markii horeba ay abaartu saamaysay.

Roobabkan dabaylaha watay ayaa sidoo kalena la sheegay inuu dadkii reer guuraaga ahaa ee deegaanadaasi ku dhaqnaa uu ka burburiyey guryihii ay ku jireen kuwaas oo aan ilaa hadda haysan hoy ay ka galaan roobabka.

Deegaanada uu roobabkan dabaylaha wataa ka da’een ayaa waxa ka mid ah deegaanka Siraadley oo ka tirsan gobolka Sanaag halkaas oo uu roobkani ku laayey xoolihii ugu tirada badnaa.

Dadkan reer guuraaga ah ayaa iyagu u baahan gurmad deg deg ah oo lasoo  gaadhsiiyo si ay uga samata  baxaan xaaladaha cakiran ee ku  gadaaman.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here