Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho + SAWIRRO

0
813

MOGADISHU, Somalia — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka dastuurka, wasiirka gadiidka, kan warfaafinta, kan diinta iyo awqaafta iyo xubno kale ayaa manta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

2015416635647724203084611IMG_0687

Sharma’arke iyo waftigiisa ayaa booqasho qaadtay saddex maalmood ah ku tagay Imaaradka Carabta oo ay marti-qaad ay ka heleen, waxayan kulamo gooni-gooni ah la soo qaatee madaxda dalkaas.

2015416635647725757605421IMG_0716

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafadda uga warbixiyay waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen Dubai. Isagoo yidhi.

2015416635647726915713729IMG_0707

“Waxaan la kulanay  madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba dal. Dowlada Somalia waxay uga mahadcelisay Imaaradka kaalamada balaaran ee ay la garab taagan tahay Somalia taasoo  isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidanka, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka.”

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here