Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Gaadhay Jigjiga

0
496

Jigjiga (Hargeisa Press) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Waxaana ra’iisal wasaaraha Soomaaliya halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaweynaha Dowlad Deegaanka, ayaa ka wadahadli doonaa sidii ay isaga kaashan lahaa yeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa xarunta madaxtooyada Jigjiga marti-qaad ugu sameeyay wefdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Itoobiya wuxuu halkaas kaga qeybgalay madasha Tana oo lagaga hadlayay amniga qaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here