Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Beesha Caalamka Kala Hadley Arimaha Doorashada

0
976
Muqdisho (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka ee taageera dowladda Soomaaliya, xilli uu jiro walaac la xidhiidha in doorashada ay wakhtigeeda ku qabsoomi weydo.

Doorashada oo heshiiska laga gaadhay 17-kii September ayaan waxaa illaa hadda muuqan dhaq-dhaqaayo la xidhiidha, iyada oo sidoo kalena Rooble aanu soo dhisin xukuumaddii fulin laheyd heshiiska doorashada.

Kulankan oo qeyb ka ahaa shirarka looga hadlayo habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, ayaa waxa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

Waxaana ugu horeyntii kulankaasi lagu bogaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda federaalka ah fulinta qodobadii lagu heshiiyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Sidoo kale, waxa beesha caalamku ay si weyn usoo dhaweeyen in laga dhabeeyo go’aamadii ay sida wada-jir ah u gaadheen madaxda dowlada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, isla markaana ay xiligeeda ku qabsoomto doorashadu.

Rooble ayaa intii uu socday shirku kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee u weyneyd in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xasilloon, ayna si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in laamaha amniga ee dowladda federaalka iyo kuwa maamuladu ay xiligan u diyaarsan-yihiin dar-dar gelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha.

Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisal wasaruhu damaanad qaaday in ciidamadu ay si buuxda u sugi karaan amnniga musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here