Rabashado Degmada Dilla Ee Gobolka Awdal Ku Dhex Maray Maanta Taageerayaal Ku Kala Abtirsada Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Ee ka Dhashay+Sababta

0
1320

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxay sheegayaan in rabashado khasaare sababay ay maanta degmada Dilla ee gobolka Awdal uu ku dhex maray taageerayaal ku kala abtirsada xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE,kadib markii maanta wafti balaadhan oo uu hogaaminayo murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro uu safar ugu baxay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Rabshadahan oo naloo sheegay inuu ka dhashay soo dhawayntii waftiga gudoomiye Cirro ayaa waxa la sheegay in taageerayaal xisbiga KULMIYE ah oo kasoo safray Borama ay isku dayeen inay carqaladeeyaan soo dhawaynta waftigan,waxaa halkaasi ka dhashay iska hor imaad dhex maray labada dhinac.

Markii ay rabshaduhu istaadhmeen ayaa waxa markiiba hoobta soo gaadhay ciidamada Booliska degmada Dilla,iyaga oo isku dayay inay kala dareeriyaan taagerayaashan iska hor imaadku dhex marayo,waxaana ay ciidanku adeegsadeen rasaas ay ku kala dareerinayaan dadkan.

Intaasi kadib ayaa rasaas ay fureen ciidamada Boolisku waxa ay ku dhacday wiil dhalinyaro ah oo goobtaasi ku sugnaa kaas oo geeriyooday,waxaana sidoo kale ay dhaawacyo soo gaadheen dadkii rabashaduhu dhex marayeen.

Waftigii gudoomiye Cirro hogaaminayay ayaa waxay goordhawayd gaadheen magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal,waxaana loo diiday inay bulshadii soo dhawaynayay iyo taageerayaashii xisbigaba ay uga khudbadeeyaan khayriyada magaalada Borama,waxaana ugu danbayn loo diyaariyey waftigan goob beer ah oo ay kula hadlayaan taageerayaasha iyo bulshadii sida wayn usoo dhawaysay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here