“Qodobka xasaanadda ka hadlaya waxaa ku daray xildhibaan C/laahi Balaaki”… golaha degaanka Burco

0
870

Burco,(HargeisaPress) —Qaar ka tirsan xildhibaanadda golaha degaanka Burco ayaa sharci darro ku tilmaamay  qodobo lagu soo daray  xeerka goboladda iyo degmooyinka Somaliland oo hor yaalla golaha Wakiiladda Somaliland.

Waxaanay ka soo hor jeedsadeen qodobo ku jira xeerka is-maamulka goboladda iyo degmooyinka Somaliland, kaasoo ay sheegeen in guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha Wakiiladu ay qodobadaas ku soo darsadeen.

 

Xildhibaanadan oo maanta shir  jaraa’id ku qabtay xarunta dawladda hoose ee Burco, ayaa sidoo kale xildhibaanadan ka tirsan golaha degaanka Burco waxay baaq u direen shir-guddoonka golaha Wakiiladda oo ay ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan sidii xeerkaasi u noqon lahaa mid cadaalad ah.

Halkan Ka Daawo Xildhibaanadda Oo Arrintaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here