Qaxootiga Suuriya ee Turkiga ku sugan oo wakhti kama dambays ah loo qabtay si ay Istanbul uga baxaan

0
721

ISTANBUL -Kumannaan ruux oo qaxootiga Suuriya ah ayaa haysta tan iyo Talaadada si ay uga baxaan magaalada Istanbul haddii kalana waa laga tarxiili doonaa magaalada ugu wayn dalkaas.

Masuuliyiinta ayaa soo galootiga aan diiwaan gashanayn ugu baaqay in ay ku laabtaan gobolladii laga diiwaan galiyay, arrintaas oo qayb ka ah isku day lagu doonayo in caddaadiska lagaga dhimo caasimadda.

Balse qaar ka mid ah Suuriyaanka ayaa BBC-da u sheegay in qaar badan oo ka mid ah loo tarxiilay Idlib oo ah gudaha Suuriya, halkaas oo dagaalka ka socda uu sii xoogaysanayo.

Waxay sheegeen in qaar badan oo ka mid ah lagu qasbay in ay sixiixaan waraaqo ay ku qoran tahay in ay iskood dib ugu laabanayaan, kuwaas oo aysan akhrin karin ama fahmi karin.

Amarka ku saabsan in ay deegaanno kale aadaan ayaa la soo saaray dhammaadkii bishii Luulyo, dadka ay arrintaas saamaynaysana waxaa la siiyay qiyaastii bil si ay amarka u fuliyaan.

Tan iyo markii ay billaabatay colaadda Suuriya siddeed sano ka hor, dad lagu qiyaasay 3.6 milyan oo ruux oo Suuriyaan ayaa u qaxay dalka ay dariska yihiin ee Turkiga, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da Mark Lowen.

Dad lagu qiyaasay nus milyan ayaa laga diiwaan galiyay Istanbul – balse waxaa jira qiyaaso sheegaya in dad labanlaab ka badan tiradaas ay ku nool yihiin halkaas, kuwaas oo ka yimid goboladii ay markii u horraysay iska diiwaan galiyeen.

Markii uu Badhasaabka Istanbul ku dhawaaaqayay tallaabadan bishii hore wuxuu sheegay in Suuriyaanka sharciyadda u haysta in ay caasimadda ku noolaadaan looga baahan yahay in ay mar kaste wataan baasaboorkooda ama ay wataan aqoonsiyadooda kale, wuxuuna ku dhawaaqay in si joogto ah baaritaan looga sameeyo goobaha laga raaco basaska iyo tareennada.

Horraantii bishii Agoosto 12,000 oo ruux oo soogalooti ah ayaa loo wareejiyay gobolladii ay ka diiwaan gashanaayeen, 2,600 oo ruux oo diiwaan gashanaana waxaa la geeyay xarumo ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga.

Kumannaan goobood oo laga shaqeeyo ayaa baaritaan lagu sameeyay “si shaqooyinka looga hor istaago dadka aan diiwaan gashanayn.”

Sahan la sameeyay ayaa muujinaya in ay hoos u dhacday taageeradii la siin jiray qaxootiga Suuriyaanka ah, halkii ay ka ahayd 70% waxay hadda maraysaa 40% – arrintaas ayaa loo arkaa in ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha horseeday in xisbiga madaxweyne Erdogan lagaga guulaysto Istanbul ka dib markii ay sannadkan ka dhacday doorashadii duqa magaalada. Sideed sano ka dib albaabadii Turkigu waxay xirmayaan, soo dhawayntiina meesha ayay ka sii baxaysaa, sida uu ku soo warramayo wariyahanaga.

Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in qaxootiga doonaya in ay laabtan gaadiid lagu gayn doono goobo ammaan ah oo ay gacanta ku hayaan ciidammada Turkiga.

Balse BBC-da ayaa la hadashay dad Suuriyaan ah oo Turkiga ku sugan waxayna sheegeen in basas ay dad ka buuxaan la geeyo Idlib oo xadka ku taalla, halkaas oo dagaalku uu ku sii xoogaysanayo.

Isniintii dawladda Suuriya ayaa cirka ka duqaysay kolonyo Turkigu leeyahay waxaana ku dhitay saddex ruux oo shacab ah waxaana ku dhaawacmay 12 kale, sida ay dawladda Turkigu sheegtay.

Gobolkaas ayaa loogu talagalay in uu noqdo “meel milatariga ka caagan” sida lagu heshiiyay sannadkii hore, balse dawladda Suuriya ayaa bilihii u dhawaa sare u qaadday weerarrada ay qaado.

BBC

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here