Wakiiladda Koonteenarradda Berbera Oo Maanta Shaqo Joojin Sameeyay

0
584

“Tallaabadda wakiiladda Koonteenarradu waa fawdo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan lacagaha sharci darradda ah ee ay ka qaadi jireen ganacsatadda yar yar”… dalladda ganacsatadda Somaliland

Berbera (Hargeisa Press.com): Xafiisyadda wakiiladda Koonteenarrada magaaladda Berbera ayaa maanta gebi ahaanba shaqadda joojiyay tallaabadaasi oo ay kaga jawaabayeen wareegto xukuumadda Somaliland soo saartay

Sababta ay al-baabadda ugu xidheen xafiisyadda wakiiladda Koonteenarradda Berbera ayaa ka dhalatay kadib markii  biyo-diiday wareegtadii uu todobaadkii hore soo saaray wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland ee uu kaga joojinayay lacago ay ka qaadi jireen Koonteenarrada.

Wareegtadataas wasiirka ganacsiga ayuu ku laalay lacago ay wakiiladda Koonteenarradu ka qaadi jireen ganacsatadda yar yar ee ay badeecaduhu uga soo degaan dekadda Berbera.

Lacagtaasi oo uu wasiirka ganacsigu ku tilmaamay mid sharci darro ah, maadaama oo ganacsatadda yar yar marka ay Koonteenarradda soo kiraystaan ay bixiyaan lacagaha kiradda ah.

Sidaas darteedna aan xaq loogu lahayn in hadda marka bagaashka laga dejiyo Koonteenarradda magaaladda Berbera lagaga qaado lacag kale oo dhamayd $85 dollar.

Waxaanay ahayd in ay shalay oo bishu ahayd 21 ay si rasmiya u dhaqan gasho wareegtadda uu wasiirka ganacsiga Somaliland ku laalay lacagahaasi ay ganacstadda yar yar ka qaadi jireen wakiiladda Koonteenarradda ee Berbera.

Hase yeeshee taa bedelkeedda ayaa shalay wakiiladda Koonteeradda ee Berbera waxay gebi ahaanba al-baabadda u laabeen xafiisyaddii, kuwaasoo aan maanta wax adeeg ah u qaban ganacsaddda.

Tallaabadaasi oo ay kaga jawaabayeen sida ay uga soo hor jeedaan go’aanka xukuumadu ay ku joojisay   lacagtii ay qaadi jireen.

Xukuumadda Somaliland ayaa u cuskatay laalista lacagahaasi ay wakiiladda Koonteenarradu ka qaadi jireen ganacsatadda mid aan sharci ahayn, isla markaana aan ka jirin dekadaha gobolka Geeska Afrika.

Iyadoo taas laga duulayana uu qorshahoodu yahay si ay dekadda Berbera ula jaan-qaado dekadaha ku yaalla gobolka, isla markaana lacagtaasi ay culays ku tahay ganacsatadda yar yar.

Geesta kale tallaabadan  shaqo joojinta ah ee ay sameeyeen wakiiladda Koonteenarradda Berbera waxaa canbaareeyay dalladda guud ee ay ku midoobeen ganacsatadda Somaliland ee magaceedda loo soo gaabiyo SOFA.

Xoghayaha guud ee dalladaasi Cali Jaamac Carraale, oo maanta warbaahinta kula hadlay Berbera ayaa falka ay ku kaceen wakiiladda Koonteenarradu ku tilmaamay fawdo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan lacagaha sharci darradda ah ee ay ka qaadi jireen ganacsatadda yar yar.

Waxaanu sheegay in ay arrintaasi ay muujinayso sida ay wakiiladda Koonteenarradu uga soo hor jeedaan fulinta awaamiirta dawladda Somaliland ka soo baxa, isla markaana loo arko ay uga dan leeyihiin in qash iyo fawdo ay abuuraan.

Cali Jaamac Carraale, ayaa intaas ku daray in lacagaha ay qaadaan wakiiladda Koonteenarradu dhawr jeer la kordhiyay, isla markaana ay ku jirto lacag uu ku kordhiyay maareeyihii hore ee dekadda Berbera, taasoo loo jari jiray dhismaha barxadda ee qaybta ganacsiga Wajaale ee dekadda Berbera intii uu dhismaheedu socday.

Hase yeeshee iyadoo imika la dhamaystiray dhismaha qybta dekadda ee Wajaale ay hadda weli wakiiladda Koonteenarradu qaadayeen lacagtii berigaasi lagu kordhiyay.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa laga filayaa waxa ay kaga fal celiso tallaabadan shaqo joojinta ah ee ay sameeyeen wakiiladda Koonteenarradda ee Berbera, maadaama oo uu dhawaan arrintaasi wasiirka ganacsigu wareegto lagu joojinayo ka soo saaray.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here