Somaliland: G/Komishanka Xuquuqda Aadanaha Oo Ka Warbixiyay Waxyaabihii U Qabsoomay

0
753

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland, ayaa ka war bixiyay hawlaha shaqo ee ay qaranka u qaabilsan yihiin iyo waxyaabihii muddooyinkii u dambeeyay u qabsoomay.

Guddoomiyaha komishanka xuquuqda aadamaha qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali, ayaa maanta arrintaasi uga waramay wargeyska DAWAN, ayaa sheegay in ay ka mid yihiin kormeero ay ku tageen xabisyada iyo saldhigayda dalka.

Maxamed Baaruud Cali, ayaa sidoo kale ka hadlay  xaaladda cilaajyada oo ay sheegeen in ay yihiin jaantaa rogan qaarkood oo aan la garanaynba cid ay ka sharciyaysan yihiin, taas oo ay sheegeen in ay kala hawl gali doonaan wasaaradaha ay qusayso si loo ogaado adeegga ay dadka u hayaan iyo bad qabka dadka ku xidhan.

Ugu horrayn Guddoomiye Maxamed Baaruud oo ka hadlayay waxyaabihii u qabsoomay waxaa uu yidhi “Horta shaqadayadu waxaa weeyaan in aanu illaalino xuquuqda dadka waliba dadka xuquuqdooda la illaalinayaa waa dadka jilicsan waxaana laga illaalinayaa cidda xoogga wayn oo had iyo jeer cidda jilicsan ayaa la illaaliyaa xuquuqdooda oo laga illaaliyaa cidda xoogga wayn.

Markaa dadka jilicsan ayaan xuquuqdooada illaalinaa waayo? Dadka awoodda leh ama ladan ama wax bartay wuxuu garanayaa dariiqa uu u marayo xuquuqdiisa oo looyarro (lawyers) ayuu qabsan karayaa ama xildhibaan ayuu garanayaa ama dariiq kale oo uu maro ayuu garanayaa laakiin dadka jilicsan ee aan codka lahayni ma garanayo meel uu xuquuqdiisa u maro”.

Waxaanu intaas ku daray “Dadkaa jilicsan ee aan codka lahayn ee aan waxaas oo dhan aan haysan ayaan xuquuqdooda illaalinaa.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin haweenka dadka meelaha fog fog ku nool ee aan magaalooyinka soo gaadhi karin oo aanu booqanay deegaano badan oo ay ku nool yihiin sida meelaha fog fog ee ka baxsan magaalooyinka waawayn iyo dadka lagu tacadiyo ee la yidhaahdo waa laga tiro badan yahay.

Dumarka inbadan ayay ka cawdaan xuquuqdooda in la illaaliyona xil ayaa naga saaran,carruurtu waa mustaqbalkii dalka in xuquuqdooda la illaaliyo oo waxbarashadooda la illaaliyo.

Markaa sannadkan waxaanu soo booqanay jeelasha dalka oo aanu kormeer ku soo samaynay soona derisnay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo baahiyaha ka jira ee maxaabiistu ay u baahan yihiin gobolada bariga ayaan tagnay imikana waxaanu socdaal ugu baxaynaa gobolada galbeedka.

Waxyaabaha nooga soo baxay waxaa ka mid ah dadka oo ku badan xabsiyada oo Jeelasha culays badani saaran yahay inkastoo cuntooyinka oo markii hore laga caban jiray imika waxay noo sheegeen in wax badan laga qabtay oo ay cuntooyin nafaqo leh.

Si ay u helaan maxaabiistu oo laga daayay bariiskii iyo wixii la midka ahaa oo loogu bedelay cuntooyin isku dheeli tiran oo nafaqo leh taasoo ay maxaabiistu noo sheegeen in dhanka cuntada ay wanaagsan yihiin imika”ayuu yidhi guddoomiyaha xuquuqda aadanaha Somaliland.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaa kale oo ay noo sheegeen dad ka soo baxay jeelka weyn ee Hargeysa in fiican yihiin oo ay ka ladan yihiin idhiidhi xabsiyad qaar ka jira isla markaana ay haystaan saacado dibedda ay joogaan oo ay jilicsi sameeyaan.

Waxaa kale oo jira saacadaha sallaadda si wanaagsan ayay u tukadaan oo aad ayaa xilliga salaadda loo ixtiraama laakiin waxaa jira arrimo kale oo loo baahnaa in ay maxaabiistu helan oo aan wali la suura gelin oo aanu doonayno in aanu iska aragno wasaaradda caddaaladda iyo ciidanka asluubta iyo garsoorka-ba.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin in maxaabiistu ay helaan tababaradi farsamada gacanta oo la hirgeliyo waxbarashadii farsamada gacanta imika qalabkii wax lagu bari lahaa oo dhami wuu yaalla xabsiga madheera laakiin lama hirgelin sababta loo hirgelin waayayna waanu iska arkaynaa cidda ay qusayso”.

Guddoomiye Maxamed Baaruud waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda Xabsiga Berbera oo uu sheegay in uu yahay mid gaboobay isla markaana ku yaalla magaalo xeebeed kulul maxaabiistuna ku badan tahay.

Waxaanu soo jeediyay in duruufaha xabsiga Berbera wax laga qabto gaar ahaan maxaabiista xukunkoodu dheer yahay in loo bedelo xabsiyada Mandheera iyo Burco oo Xabsi wayn laga dhisay.

Waxaanu yidhi. “nolosha xabsiga weyn ee Berbera waa mid aan xamili karin maxaabiista badan eek u jirta waxaanu ku yaalla magaalo xeeb ah xilliyada xagaagana kulayl badan ayaa jira markaa kulaylkaa badan iyo maxaabiista oo ku badani dhib ayay ku yihiin xuquuqda maxaabiista.

Waxaanu soo jeedinaynaa in maxaabiista xukunkoodu dheer yahay in loo bedelo xabsiyada Madheera iyo Burco oo xabsi wayn laga dhisay si ay u kala nafisaan maxaabiistu.

Waxaa jira dad kiisas madaniya u xidhnaa oo xukunkoodii dhammaaday oo u xidhan dayn lagu leeyahay laakiin waxay ahayd qofku markuu xukunkiisa dhammaysto in uu xorriyaddiisa helo.

Markaa ciddii wax ku lahayd ama ha u baadi doono ama mar kale ha so dacweeyaan e oo uu sharci noqdo xadhigiisu laakiin qof sannad iyo badh xdhigiisu ahaa oo intaa in lee goo kale iska xidhani sharci maaha.

Waxaa jira 45 qof oo xukunkoodii dhammaystay oo aanu soo aragnay oo lacag lagu lahaa laakiin waxaanu lacagtii lagu lahaa ka bixinay 9 qof oo ka mid ah intii kalena way xidhan yihiin waxaanan ku talo jirnaa iyagana in aanu raadino lacag aanu kaga bixino dayntaas oo aanu dib xorriyadooda ugu soo celno.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

LEAVE A REPLY