Qarax Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Kabul

0
1674

Kabul (Hargeisa Press) – Qarax is-midaamin ah, ayaa maanta ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo kumanaan qof oo ka cararaya xukunka Taalibaan ay buuxiyeen.

Qaraxan, ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby, halka Sarkaal kale oo Mareykan ahi uu sheegay in qaraxu uu ahaa is-miidaamin.

Sidoo kale, Goobjoogeyaal, ayaa waxaa ay xaqiijiyeen dhimashada dhowr qof.

Wakaaladda wararka Reuters, ayaa sidoo kale ka soo xigatay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qaraxa, oo ay ku jiraan caruur.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ilaalada Taalibaan ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Qaraxan, ayaa yimid iyada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka, uguna baaqeen shacabka inay ka fogaadaan halkaas.

Wararka qaar, ayaa sheegaya in qaraxa kadib la arkay ugu yaraan hal qof oo hubeysan oo rasaas furaya.

https://www.reuters.com/world/asia-pacific/explosion-outside-kabul-airport-casualties-unclear-pentagon-2021-08-26/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here