Wasaaradda Deegaanka Oo Qabatay Kulan Ku Saabsan Hagaha Siyaasadda Ilaalinta Deegaanka

0
719

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee Somaliland ayaa maanta qabatay aqoon is waydaarsi ku saabasan Hagaha shaqada ee Wadaagayaasha Deegaanka.

Kulankaasi waxa ka soo qayb galay
Jaayadaha iyo wasaarraddaha ay wada shaqeynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka Iyo jorumarinta Reer miyiga Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka C/naasir Axmed Xirsi, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in kulani uu qayb ka yahay kulamadii ay hore wasaaradda deegaanku u soo qabatay ee la xidhiidhay is waafajinta siyaasadaha caalamiga ah iyo xeerarka Somaliland ee arrimaha deegaanka.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in shirkaasi lagu soo bandhigayo hagaha siyaasadda Somaliland ee arrimaha deegaanka si loo mideeyo xeerarka iyo shuruucda ilaalinta deegaanka ee caalamka.

Waxaana kulankaasi dood laga yeeshay Sidii loo Ilaalin lahaa Deegaanka, iyadoo ladabaqaayo Xeerarka Deegaanka.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here