Qarax Ka Dhacay Gaalkacayo Oo Dad Badani Ku Dhinteen

0
868

Gaalkacayo (HP): Guddoomiyihii gobolka Mudug ee dhinaca maamul goboleedka Galmudug Axmed Muuse Nuur, ayaa maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaaladda Gaalkacayo.

Qaraxaasi oo duhurnimadii maanta lala beegsaday afaafaka hore ee xarunta guddoomiyaha gobolka Mudug, waxa kaloo ku geeriyooday  ilaa shan qof oo kale oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha geeriyooday walaalkii.

Xarakadda Alshabaab ayaana sheegatay masuuliyadda qaraxaasi oo ahaa mid aad u xoogan.

Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed C/raxmaan Dhaban-cad, guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug, taliyaha qaybta booliska Mudug.

Waxaanay masuuliyiintaasi ka warbixiyeen khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, iyagoo ku canbaareeyay Alshabaab fulinta weerraradda noocaas ah.

Dadka ku geeriyooday qaraxaasi ayaa u badnaa ilaaladii guddoomiyaha Mudug iyo dad shaqaale ka ahaa xafiiskiisa.

Dhinaca kale ma aha markii u horaysay oo qarax khasaare sababay uu ka dhaco magaaladda Gaalkacayo gaar ahaana dhinaca maamul goboleedka Galmudug.

Waxaana jiray qaraxyo marar kala duwan ka dhacay magaaladaasi oo dhimasho iyo dhawaacba ka dhashay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here