Somaliland: Wakhtiga La Qaadayo Imtixaannada Shahaadiga ah Oo La Shaaciyay

0
520

Hargaysa (HP): Wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa shaacisay wakhtiga dalka laga qabanayo imtixaanadda shahaadiga ah ee fasaladda afraad ee sare iyo sideedaad ee dhexe.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in imtixaanadaasi loo fadhiisan doono dabayaaqadda bisha June ee sanadkan.

Imtixaanadda shahaadiga ah ee dugsiyadda Somaliland ayaa sida caadiga ah la qaadi jiray todobaadka u horeeya ee bisha June sanad kasta.

Hase yeeshee sababta uu sanadkan dabayaaqadda June u noqday ayaa ka dhalatay caabuqa Coronavirus ee dalka ka jira.

Daawo Guddoomiye Daa’uud Oo Arrimahaas Ka Warbixinaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here