Muqdisho (Hargeisa Press)— Ku dhawaad 30 ruux oo badnaa dad shacab ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Weerar Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saaka lagu qaaday Barkootarool oo canshuurta lagu qaado Isgoyska Ex Kootarool Afgooye.
Dadka dhintay intooda badan ayaa la sheegay in ay ahaayeen Ardey Jaamacadeed iyo dad kale oo rayid ah oo la socday gaadiidka dadweynaha oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana ardeyda ku dhimatay Qarax la sheegay in ay la socdeen Gaadhi Bus ah.
Gaadhiga ayaa la sheegay in uu gabi ahaanba goobta ku basbeelay taasoo muujineysa in ayna jirin cid ka baxsatay dhamaanba dadkii saarnaa.
Waddada dhinaceeda ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 20 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxan oo noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa intaa ku daraya in uu jiro khasaare soo gaadhay Injineerro Turkish ah oo la sheegay in laftirkooda ay la kulmeen Qaraxan goobta ka dhacay.