Wasiirka Caafimaadka iyo wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay Magaalada Burco

0
604

Burco (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo oo isugu jira masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Ujeeddada safarka Wasiirka, ayaa ahayd kormeer iyo lafa-gur ku saabsan xaaladda caafimaad ee gobolka, iyadoo diiradda la saaray horumarka iyo caqabadaha haysta xarumaha caafimaadka Gobolka.

Wasiirka iyo weftigiisa, ayaa markii ay gaadheen Burco, kulan ballaadhan la qaatay Maamulka Caafimaadka Gobolka Togdheer.

Kulankaasi oo ay ka qayb galeen Isuduwaha Caafimaadka gobolka Togdheer iyo Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Burco, ayaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo la xidhiidha adeega caafimaadka.

Wasiirka, ayaa dhagaystay warbixino faahfaahsan oo la xidhiidhay xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka gobolka, baahiyaha agabka caafimaadka iyo heerka shaqada uu bulshada u hayo Cusbitaalka Guud ee Burco.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa tilmaamay in wasaaradda ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka oo dhan.

Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in la dardar gelin doono qorshayaal lagu tayaynayo xarumaha caafimaadka iyo in kor loo qaadi doono waxqabadka shaqaalaha caafimaadka ee gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here