Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay qarka u saaran tahay inay aqoonsi caalami ah ka hesho beesha caalamka.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaas ku shaaciyay waraysi gaar ah oo uu xarunta madaxtooyadda ee Hargeysa uu ku siiyay Wargeyska caanka ah ee The Guardian.
Waxaannu caddeeyay in ictiraafka Somaliland ay doonaysay 34kii sannadood ee la soo dhaafay uu soo dhawaaday, oo ay dunidu garwaaqsanayso qaddiyadda aayo-ka-tashiga Somaliland.
“Aqoonsi wuu soo dhow yahay,” ayuu u sheegay The Guardian Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo 69 jir ahi.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay in arrintu aanay ahayn ma la aqoonsanayaa Somaliland; hase ahaatee ay tahay goorma ayaa la aqoonsanayaa iyo yaa u horreeya ee ictiraafi doona.
Wargeyska The Guardian, wuxuu intaas ku daray in ilo wareedyo laga helay Somaliland ay sheegayaan in rejo laga qabo in madaxweyne Donald Trump uu noqon doono hoggaamiyaha u horreeya ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo taas beddelkeeda Mareykanku saldhig millateri ka samaysan doono goob u dhow dekedda Berbera ee istaraatajiga ah.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu xaqiijiyay inay bahwadaag kala yihiin caalamka dhinaca ammaanka iyo ka hortagga argagixisada.
Waxa kaloo madaxweynaha Somaliland xaqiijiyay in saraakiil sarsare oo ka socday Maraykanku oo ay ka mid ahaayeen kuwa u qaabilsan Geeska Afrika ay dhawaan booqasho ku yimaadeen caasimada Hargeysa.
Sidoo kalena wuxuu xusay in la filayo in wefti kale oo qiimayn doona istaraatajiyadda Berbera ay dalka iman doonaan.
Waxaa uu sidoo kale wargeysku weriyay in ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay hoosta ka xariiqeen in Maraykanku uu meesha ka saari doono siyaasadiisa duugga ah ee la xidhiidha waxa loo yaqaanno “Soomali mid ah.”Taasi oo u quus goynaysa dawladda taagta daran ee Soomaaliya, isla markaana la xoojin doono cilaaqaadka Washington la leedahay Somaliland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay in uu filayo in Mareykanka iyo dalalka kale ee dunidu ay dib wax uga beddeli doonaan siyaasadoodii ku wajahnayd Soomaaliya.
Geesta kalena, Xoghayihii hore ee Gaashaandhiga UK Xildhibaan Gavin Williamson, ayaa bishii hore warsidaha The Guardian daboolka uga qaaday in masuuliyiin sarsare oo Maraykan ahi u xaqiijiyeen inay aqoonsan doonaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Mr. Gavin wuxuu xusay inuu aaminsan yahay in aqoonsiga Somaliland noqon doono sannadka 2028ka, waxaannu ku dooday in ka hor inta aanu dhammaanin muddo xileedka xukuumadda Trump- Mareykanku ictiraafi doono Somaliland.