Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland oo Dacwad Ka Gudbiyay Madaxweynaha Maamulkaasi

0
1020

Garoowe (Hargeisa Press)- Siyaasiyiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland, ayaa waxaa ay maanta dacwad xaasaasi ah ka gudbiyeen Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdillaahi Deni.

Siyaasiyiinta mucaaradka maamul goboleedka Puntland, ayaa waxaa ay dacwadaasi ka dhanka ah Madaxweynaha maamulka Puntland u gudbiyeen Maxkamadda dastuuriga ah ee maamulkaasi.

Waxay sheegeen siyaasiyiinta mucaaradka maamul goboleedka Puntland in ay ku eedeeyeen Siciid Cabdillaahi Deni inuu geystay gabood falo ka soo horjeeda dastuurka iyo xeerarka u yaalla Maamulka Puntland.

Siyaasiyiintu, waxay sheegeen tallaabooyinka uu Madaxweynaha maamulka Puntland qaaday muddooyinkii ugu dambeeyay sida furista dastuurka, in ay yihiin dano isaga u gaar ah oo aan loogu adeegayn shacabka reer Puntland.

Waxay sheegeen inay kalsooni buuxa ku qabaan in maxkamadda dastuurka Puntland ay si caddaalad ah uga jawaabi doonto eedda ay maanta u gudbiyeen, taasoo ku soo beegantay xilli maalmaha soo socda la filayo in dastuurka maamul goboleedka Puntland wax laga beddelo.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, ayaa waxaa ay Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdillaahi Deni ugu baaqeen inuu miiska wadahadalka yimaado, si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada maamulkaasi, iyagoona ka digay in madaxweynuhu dhegaha ka furaysto baaqyada ay soo saaraan dadka indheer garadka ah.

Arrintaan, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan dadeaallo la doonayo in xal loogu raadiyo dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Garoowe ee ka dhashay arrimaha la xidhiidha doorashada maamul goboleedka Puntland iyo dastuur furista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here