Qalin-ma-koobaan: Diiwaanka Maansada Cali Mooge Geeddi (1960kii – 2003dii) Wuu ina hayaa (coming soon) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
1525

Qormada: 2aad, Gabayga kale ee Qalin-ma-koobaan isaga wuxu si la yaab leh oo farshaxannimo ku dheehan tahay ugu taxayaa dhirta dalkan ka bixi jirtay ama ilaa maantadaa aynu joogno ku sii raad-leh. Waa laba gabay oo aad u dhaadheer oo uu si farshaxannimo leh ugu taxayo geed iyo xayawaanba wixii uu dalkani qayb u helay. Bal ka warrama marka uu geed kasta iyo xayawaan kasta beyd ama tuduc gabay ah geliyo isaga oo xaraf-raaca iyo dhererkaba tix-gelinaya oo ixtiraamaya. Miyaanay wax la yaab leh ahayn. Waxa ka sii daran marka uu isaga oo ku hor jooga dusha ka akhriyo ee uu xubnaha jidhkiisa oo dhan ku soo tebiyo. Jidhiidhico ayaa kugu jajabaysa.

 

Sannado aan ka hawl-geli jiray Akaademiga Nabadda iyo Horumarka (APD) ayaan Cali Mooge Geeddi aad u sii bartay. Wuxu nagala qayb-geli jiray ‘Seminaarrada.’ Wuxu noo raaci jiray Gobollada iyo Degmooyinka oo uu ka-qayb-galayaasha ku guubaabin jiray maansooyinkiisa hodanka ah. Dhaqan ahaan mararka uu maansoonayo warqad kama eegan jirin ee dusha ayuu ka dareerin jiray isaga oo aan ku hakan jirin. Dareerintiisu hadal oo keliya kuma koobnayn, bal se jidhkiisa oo dhan ayuu ka hadlin jiray. Been ku hadli maayo, haddii aan idhaaho Macallin Gaarriye ayuu laba ku ahaa xagga jidh-ku-hadalka. Maansadu dherer kasta oo ay leedahay kuma uu margan jirin. Kuma hakan jirin. Ma kala illoobi jirin. Sida daadka ayuu u durduri jiray. Hakadyo tiraab ah oo uu tuducyada qaarkood ku sharxayo ayuu gelin jiray oo dhex-taal uga dhigi jiray.

 

Marka aan Cali Mooge Geeddi maqlaba, waxaan xusuus dib ugu noqda Maxamed Ismaaciil Baa-sarce oo loo yaqaannay Barkhad-cas. Maxamed Ismaaciil wuxu ku dhintay isaga oo 32 jir ah, haddana ilaa maantadaa aynu joono maansooyinkiisii waxay ku jiraan kuwa loogu jecel yahay. Markaas ayaad is-weydiinaysaa haddii uu muddo intaa ka badan noolaan lahaa sida xaal noqon lahaa. Cali Mooge Geeddi, ayaa isaguna ku dhintay 43 jir, suugaantii uu ka tegayna ka mid tahay kuwa loogu jecel yahay ilaa maantadaa aynu joogno.

Bal hadda aynu godollo ka soo qaadanno gabayga Diiwaanka magaca looga dhigay ee Qalin-ma-koobaan. Wuxu ku soo qaadanayaa 164 geed oo dalkani qayb u helay Ilaahayna ku mannaystay. Aynu tuducyo tusaale ah soo qaadanno.

Cali Mooge Geeddi, wuxu yidhi:

buuga

Qudhac iyo Galool iyo Maraa, qodaxyo dhaadheer leh,

Sogsog aan caleemuhu ka quban, qamaca jiilaalka,

Qaniicaad-ma-waayaha Gobkoo, qarisay hoobaani,

Hadh qabow Qansaxa aar wax dilay, qaarka la huluusho,

Bilcil laga qammaagiyo Cadaad, Qaydar iyo Waadhi,

Qoordiid Sarmaan iyo Jaleef, quulle iyo jeerin,

Gumar qoon dillaaaciyo xanuun, qawdhadh ku adkaysa,

Xer Quraan Dharkayn looga qoro, looxyo qara weyn leh,

Qabo weelka quudkiyo hadhuub, qoysku ka adeegto,

Iyo qaysaraan Salamacoo, Qaayib lagu raaco,

Is-qayuubka lama-gooyihiyo, qayr watiyo laanka,

Yoocada biyaha qaaliga ah, qabata kaydkooda,

Jilbo-dhiig shullaha kaa qabtiyo, qoobabkiyo lawga,

Indho-qayd Kariir iyo xumboo, qaylo lagu waasho,

Qarjajoof nagaadh iyo intii, cagaha qoomaysa,

 

Intaas ma isla meel dhignay? Haddii ay kugu adkaadaan la kaasho saaxiibbadada kale iyo intii kale ee aad aqoon bidaysaba. Bal ka warrama dee hal-abuur Cali Mooge Geeddi, miyaanu jaamicaddii dhaqanka iyo noloshaba ka qalin-jebin oo aanu been lama hadlee phd ku qaadan.

 

Fari kama qodna. Waa kan isaga oo mar kale hormo kale oo geedo ah soo rogaya iyo aqoontii hodanka ahayd ee uu u lahaaba, waxaanu yidhi:

 

Qorrax-diidka Meygaag culliyo, Jiic la wada qoomo,

Qarbabaale Raybad ah misana, qiiqa subaxeed leh,

Lebi koorta geel laga qoriyo, Yucub la qaadhaan ah,

Is-qayuurayaal saban-sabdhiyo, qoor-bax Labanlooshe,

Qosol-kuma jabaan Leeddigiyo, qaalmo leged xooggan,

Qambal Hadiya qawtaan Dhiddina, qarunta Goosayga,

Qummanaanta Dheenta u baxdiyo, quusiye Hareeriya,

Gabro-quutin baadiya Higlood, tiro u qaadiidan,

Dhebi hororka xoolaha qabsada, lagula qaashaarto,

Qush-ka-miirka Woobkiyo Dhosoqa, sararta qaaqaawan,

Ummul Wegerka loo qarinayee, qariya shaydaanka,

Badhi-beeta neef quud ka deyey, qaxar la daandaamo,

Qarri Cobol qaayirifta Moroh, lidiq qafaafuura,

Waabay indhaha qaalif ku ah, Dhicir qarrooraysa,

Qayayaab Canjeelka u baxee, haadku qaranqooro,

Qoton-heeg Qawaajiir kul xeeb, Dhamas u qaadh waabta,

Cusba-qaadda Dhuur ceel qadhaadh, qoobsinka u taalla,

Af quraacshe Caday luun qarriban, qalayax nuuraaya,

Baxarasaaf Allaha Qaaddirihi, qaab sujo u taagay,

 

Intaas oo wejiga qaabbishaan, qaali ku ahaaye,

Ma-naxaannadii qaawiyaan, qaan ku leeyahaye,

Waxba kama quseeyaan haddaan, qaadku soo dhicine,

Qarfa kelidii-nooliyo arlada, tiin ha qariyeene,

Garan-waa qallaylka ugu baxa, qurux ha moodeene,

 

Ma nabadda iyo ma-dhaafaanka nolosha ee aan la’aanteed la ledin, horumarna la beegsan baa? Cali Mooge Geeddi inta uu nikaaxay ayaabu guursaday, markaas ayuu yidhi: “Oo yaa iga naag fiican?” Ma tuduc iyo laba ayaan idiin ka soo qaadaa:

 

Haddaanan nabadey ku guursan,

Haddaan Bisin kugu nikaaxo,

Intaan duco kugu nageeyo,

Haddaan nasab kuu ciyaarin,

Anaan noloshaba aqoonnin,

 

Intaas ama tuducaas marka uu ballaysin uga dhigo ayuu tuducyo badan oo kale tirinayaa. Illeyn waxaan idiin soo saaray waslad qalays ah ayay ahyd e’, ma idin la tahay in aad sugtaan inta dherigu karayo. Si ayaad u soo taagan tihiin oo waan idin arkaa oo malahayga ninkan nabadda guursaday ayaad la yaabban tihiine, wuxu ku soo xidhayaa:

 

Nasiibkaan kula sugaayay,

Markaan naqa kugu magaado,

Illayn nabad baan qabaaye,

Adduunyada waxa nin jooga,

Haddaan ugu naag wacnaanin,

Anaan noloshaba aqoonnin,

 

Ma nimcada iyo barwaaqada adduunkaa, waa kan Cali Mooge Geeddi oo ka maansoonayaa, waxaanu yidhi:

Mulki hooray meexaan cartamay, mayey hillaac daayay,

Miiraale sawraca gudbaday, madowga heemaalka,

Mahiigaan jilbaha aastayoo, dhibic-maraaroobay,

Circaddaadi maajaafi dhacay, meel uu ka hadaafay,

Mija haadlayaal sii onkoday, hogol muquunaysay,

Dhool madax suldaan yeeshayoo, muunad ku cillaantay,

Malmalliigga caadkiyo cirkoo, macawisaa qaytay,

Martiqaad daruuraha lingaxay, waa ma barideene,

Miisaanka lama saari karo, maaxadduu dhalaye,

Intuu miray intuu kuu manfacay, kaaga sii mudane,

 

Waxaynu suganaaba waa Diiwaankan la yaabka leh ee Cali Mooge Geeddi, Ilaahay ha inagu simo intii ka gurmatayna ha ka abaal-mariyo. Waxan soo jeedin lahaa in aynu ku xigsiinno Diiwaankii Nimco Gabaydo, naxariistii Janno dhammaantood Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Aammiinta igu dara.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Dhammaad

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here