“Qalalaasaha Laascaanood ka taagan si dhakhso ayaanu u soo gebagabaynaynaa…”

0
1202

Stockholm (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale ku celiyay in ay Somaliland dhawaan soo af-jarayso qalalaasaha ay kooxaha huwantu ka wadaan gobolka Sool.

Waxaanu sheegay Eng. Faysal, in ay Somaliland ka go’an tahay sidii loo soo gebagebayn lahaa colaadda ay kooxaha argagixisadda isa soo baahaystay ka wadaan magaaladda Laascaanood.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu ka hadlay sidii ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen dawladaha jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya, iyo Jabuuti, taasoo uu tilmaamay in ay wax tar weyn u yeelanayso Geeska Afrika.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta, siyaasiyiinta, aqoon yahanka Soomaaliya in ay taageeraan dawladda mada weyne Xasan Sheekh, oo uu tilmaamay in lagu waddo qorsheyaal lagu fashilinayo.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa kulan balaadhan waddanka Sweden kula yeeshay jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan.

Iyadoo arrimaha ugu muhiimsan ee la iskula soo qaaday kulankaasi ay ka mid yihiin kor u qaadista isku duubnida, iyo Adkaynta midnimada bulshadda reer Somaliland ee Sweden degan.

Kulankaasi, ayaa lagu falan qeeyay sidii taageero dhiiri gelin ah loogu muujin lahaa ciidamadda qaranka Somaliland ee difaaca dalka kaga jira furimaha hore.

Si kastaba, Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa wadamo ka tirsan qaaradda Yurub ka bilaabay socdaal la magac-baxay Adkaynta Midnimada Qurbo-joogta iyo is garab taaga Ciidanka Qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here