Burco: Xildhibaano Taageeray Xabad Joojinta Beelaha Ku Dirriray Cali-saahid

0
641

Burco (HP): Xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland oo ergo ahaan u jooga magaaladda Burco ayaa soo dhaweeyay go’aanka xabad joojinta ah ee ay soo saareen beelaha shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Cali-saahid ee gobolka Togdheer.

Xildhibaanadani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Burco, ayaa soo dhaweeyay go’aamadda ay soo saareen odayaasha, iyo waxgaradka labadda beelood ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaamadda Cali-saahid, iyo Balli Samatar, ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxay xildhibaanadu ugu baaqeen madax dhaqameedka labadda beelood in ay dhaqan geliyaan go’aanka Xabad joojinta ah ee ay soo saareen labadooda dhinac.

Waxa kaloo ay ergadan golaha Guurtida Somaliland ka tirsani ku bogaadiyeen anay xukuumadda doorkii ay ka qaadatay heshiisiinta labadaa beelood.

Xildhibaan Dayib Xasan Boobe, oo u hadlay ergadaasi xildhibaanadda Guurtidda ah ayaa sheegay in ay ergo ahaan soo dhawaynayaan baaqa xabad joojinta ah ee ay madax dhaqameedka labadaa beelood soo saareen.

Geesta kale xildhibaanada Guurtida ayaa u mahad naqeen cid kastoo ka qayb qaadatay xal u helid shaqaaqadda deegaamadda Cali-Saahid, iyo Cali Samatar, xukuumadda talladda haysa, maamulka gobolka Togdheer, iyo ka degmadda Burco, iyo madax dhaqameedka kale ee ka qayb qaatay.

Madashii ku dhawaaqista go’aanka xabad joojinta ee ay isla qaateen madax dhaqameedka labadda beelood ee dhaqaaqadu ku dhex martay deegaamadda Vali-saahid, iyo Balli Samatar, oo ka dhacay magaaladda Burco.

Waxaana goob joog ka ahaa madax dhaqameedka labadda beelood ee shaqaaqadu dhex martay, maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, guddiga nabad-geliyadda ee gobolka Togdheer, iyo sidoo kale xubnahan xildhibaanadda ergadda ah ee ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland.

Waxaanay sheegeen ergadan xildhibaanadda Guurtidu in ay taageerayaan go’aankaasi, iyagoona soo jeediyay in xabad joojintu ay sideedda u dhaqan gasho.

Dhinaca kale, xildhibaanadan ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland waxay baaq nabadeed u direen beelaha ku diriray degmadda Ceel-Afweyn, oo ay ugu baaqeen in la joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here