Turkiga oo Weerar Argagixiso Ku Tilmaamay Qaraxii Ankara

0
468

Ankara (Hargeisa Press)- Wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga, ayaa sheegtay in weerar lala beegsaday meel u dhow xarunta baarlamaanka dalkaasi ee magaalada Ankara Axadda maanta ah ay ku dhaawacmeen laba askari oo boolis ah.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo uu daba socday holac aad u xooggan, ayaa laga maqlay meel dhowr KM u jirta goobta uu weerarku ka dhacay.

Wasaaradda, ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka qaaday ay 9:30 kii subaxnimo ee wakhtiga dalkaasi gaadhi ku yimaadeen afaafka hore ee albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna qaadeen weerar Bambaano oo ay ugu yeedhay “mid argagixiso ah”

“Nin ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyay kan kalena waa la toogtay” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada iyadoo intaa ku dartay in laba askari ay dhaawacyo fudud ka soo gaadheen.

Goobta la beegsaday, ayaa martigelisa dhowr wasaaradood iyo baarlamaanka Turkiga, kaasi oo lagu wado in maanta uu kalafadhiyadiisa ku bilaabo khudbadda Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegeen warbaahinta Turkiga.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here