Orod ay ka Qayb-gelayaan illaa 20,000 oo qof Oo Maanta ka dhicaya Magaalada Nairobi + SAWIRRO

0
962

Nairobi, (HargeisaPress) — Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco Orod ay ka qeyb gali doonaan ilaa labaataan kun oo qof oo uu soo qaban qaabiyay Bangiga Standard Chartered.

 

Orodka oo loogu magac daray (Standard Chartered Nairobi Marathon), ayaa ujeedkiisa lagu sheegay mid lagu taageeraayo barnaamij loogu magac daray “Seeing is believing” oo bangigaas uu Kenya ka bilaabay sanaddii 2003-dii.

 

Marathon-ka oo ah kii 13-naad ee Bangigaas uu Kenya ka hirgaliyay, ayaa sanadkaan 2015-ka, waxaa la filayaa iney ka qeyb gali doonaan in ka badan 20,000 (Labaatan kun) oo qof oo iskugu jiro Saraakiil ka tirsan dowlada, qaar kamid ah Ciyaartooyda Orodka Kenya, Curiyaamiin iyo dad weyne aad u tiro badan. Kuwaasoo la gudoonsiin doono abaal marimo kala duwan dadka ku guuleysto Orodkaas oo ka koobnaan doono masaafooyin kala fog.

Tartan_Orod_Nairobi_Berri (2)

Waaxda Adeegga Bilayska Qaranka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo NPS ” National Police Service”, ayaa warbixin ay soo saareen waxey ku sheegeen in maanta laga bilaabo 4-ta subaxnimo ilaa kowda duhurnimo ay xirnaan doonaan qaar kamid ah waddooyinka waa weyn ee dhex maro magaalada Nairobi oo ay ka mid yihiin; Mombasa Road, Uhuru Highway, Langata Rd, Upper Hill iyo Forest Road.

Sidoo kale, Jidadka uu Orodkaas saameyn doono waxaa ka mid ah kuwa sida weyn loo isticmaalo ee dhex maro faras-magaalaha Nairobi oo kala ah:- Kenyatta Avenue, Haile Selasie, Harambee Ave, Parliament Road iyo University Way.

 

Taliye ku xigeenka Taraafikada Nairobi, Musyoka Mutugi oo ah ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ka sheegay in si KMG ah Maanta oo axad ah loogu wareejin doono wadooyin kale, Gaadiidka magaalada soo galaayo iyo kuwa ka baxaayo.

 

Wuxuu intaa ku daray taliye ku xigeenku in feejignaan sare la galiyay Ciidamada Booliska iyo   GSU-ga, aadna loo adkeyay ammaanka magaalada Nairobi inta uu socdo orodkaas.

Tartan_Orod_Nairobi_Berri (1)

“Ciidamada Bilayska iyo GSU-gu waxey mar walba u feejignaan doonaan sidii ay u hubin lahaayeen in ka qaybgalayaashu ay si nabad ah ku dhameystaan orodkooda iyagoo aanan carqalad la kulmin”, ayuu yiri”, Musyoka Mutugi.

 

Dhanka kale Orodkaan, ayaa wuxuu qeyb ka yahay tartamo kale duwan oo dhawaanahaan ka socdo dalka Kenya, kuwaasoo qeybo ka mid ah bishan Oktoobar lagu qabtay magaalada Machakos ee ka tirsan Gobolka Eastern Kenya.

 

 

Najah Mohamed Ali, Nairobi – Kenya

najah.moha@gmail.com | najah.moha@journalist.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here