Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Mag U Kala Wareejiyey Labada Beelood

0
371

Burco (HP): Badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo), ayaa maanta mag u kala wareejiyay laba beelood oo hore dilal uga dhex dhaceen oo wada dega gobolkaasi.
U kala wareejinta Magtaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay xubnaha guddida nabadgalyada ee gobolka Togdheer.
Golaha magta lagu kala wareejinayay oo ahaa degmada Qoyta waxa ka qayb galay badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo), taliyaha ciidanka asluubta ee gobolka, taliyaha qaybta 12aad ee ciidanka qaranka, cuqaal, saalaadiin iyo waxgaradka bulshada.
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo), oo goobta ka hadlay ayaa ugu duceeyay labada dhinac ee magta kala qaatay inuu boggooda burcad isku mariyo, isla markaana ka dhigo ardaayo is jecel.
Waxaanu tilmaamay in diinteenna islaamku ay dhiirgelisay in xurgufaha bani’aadanka dhex mara lagu dhammeeyo sulux iyo heshiis, isla markaana la isa saamaxo, markay dhib dhacdo.

Dhinaca kale qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee magta kala qaadanayay ayaa goobta ka sheegay inay is cafiyeen isla markaan ay si fiican ugu soo dhammaatay xaajadii dhex taallay labadooda dhinac.
Waxaanay uga mahadceliyeen maamulka gobolka Togdheer, oo ay sheegeen in door weyn oo dawladnimo ay ka qaateen sidii ay u soo dhammaan lahayd xurguftaasi soo kala dhex gashay labada ardaa ee walaalaha ah ee wada deegaankaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Offie.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here