Obama oo Aqalka Cad Ku qaabilay Boqorka Sacuudida Boqor Salmaan Wiilkiisa Maxamed bin Salmaan

0
845
The US-Saudi relationship has been strained since the Iran deal, a move Riyadh feared would embolden Tehran in the region [AFP]

WASHINGTON , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka ku qaabilay wiilka boqor Salmaanka Sacuudiga, waa Maxamed bin Salmaan.

 

Waxay labada masuul ka wada hadleen amuuraha ka taagan Suuriya, Yemen iyo Ciraaq gaar ahaan dagaalada iyo colaadaha aafeeyay dalalkaa Muslimka.

 

Arinkaa ah qaabilaada ina boqorka Sacuudiga uu Obama ku marti qaaday Aqalka Cad ayaa waxoogaa waxaa laga yaabaa inay isu soo dhaweyso labada dal ayadoo in dhawaale aad mooday in Mareykanku uu la safanaayay Iran oo Sacuudiga iyo iyadu ay liddi isku yihiin marka laga hadlaayo qaddiyada guud ee Bariga Dhexe iyo caalamka Islaamka.

 

Maxamed bin Salmaan oo ah 30 jir ayaa kusoo baxay qof asagu kala wada oo in badan haga siyaasada amuuraha dibada ee Sacuudiga.

_saudi-usa_obama

Waxay labada masuul isla qaadaa dhigeen caqabadaha hor taagan daggaanaanta iyo xasilloonida gobolka Bariga Dhexe.

 

Shalay Jimcihii oo ay ku kulmeen xafiiska loo yaqaano Oval Office (oo lagu macnayn karo xafiiska abuu ukunka ah) ayay labadaa masuul isla garteen kuna baaqeen in lagu dhagganaado soo gabagabeynta colaada Suuriya.

 

In lagu marti qaaday xafiiskaa abuu ukunka ah ayaa ah sharaf mar la arag u ah qof aan asaga qudhiisu madaxweyne ama boqor iwm aanan ahayn.

 

Waxay sidoo kale labada masuul yireen waa lagama maarmaan in madaxweyne Asadka Suuriya uu xilka iska wareejiyo.

 

Waxay sidoo kale niqaasheen arinta ku wajahan la dagaalamida jabhada Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

salman

Obama ayaa in dhawaaleba ka caga jiidaayay in mar kale lugaha ay la galaan colaad kale ciidamada Mareykanka ayadoo hub badan oo Suuriya uu u diray si Daacish loogula dagaalamo shacabka reer Mareykan ay ka cabsi qabaan dad aan loogu tala galin inuu gacmahooda galo!

 

Obama wuxuu soo dhaweeyay dhiiranaanta Sacuudigu ku dhiiran yahay in xal siyaasadeed loo helo colaada ka aloosan Yemen.

 

Wuxuu kaloo Obama soo dhaweeyay dadaalada Guddiga Iskaashiga ee Gacanka (Gulf Cooperation Council) ee ku aaddan wax ka qabashada dhibaatada baniaadminimo ee hareysay Yemen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here