Nuxurka Khudbad Gudoomiye Cirro Ku Soo Bandhigay Mawqifka Doorashooyinka Ee Xisbiga Waddani

0
919

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka munaasibad lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Mawqifka Xisbigiisa Waddani ee doorashooyinka ku muddaysan inay qabsoomaan 26-ka June 2015, waxaanu sheegay inaan Xukumaddu sii shaqayn doonin 26 kadib haddii ay ku guul darraysato Doorashada.

Waxa uu Komishanka doorashada iyo daneeyeyaasha Doorashada ugu baaqay inaan Marnaba laga leexin Marinka doorashooyinka ee ah in 26-ka June dalka doorasho laga qabto“Xisbiga Waddani, waa Daneeye Muhiim ah oo u taagan in la qabto Doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo Xilligii Dastuuriga ahaa ku dhacda.Xisbiga Waddani, wuxuu ku guubaabinayaa daneeyeyaasha Doorashada,inaan Marnaba laga leexin Yoolkoodii ahaa in Doorashooyinku wakhtigoodii dastuuriga ahaa ku qabsoomaan.Waxa kale oo Xisbiga Waddani ku Boorrinayaa daneeyeyaasha Doorashada in Madaxweynaha iyo Xukumaddiisa lagala Xisaabtamo wixii dib u dhac ah ee ku yimaada doorashooyinka” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

 

Mudane Cirro waxa uu sheegay in Xukumaddu si badheedh ah u curyaamisay tabaabushaha doorashada ““Xisbiga Waddani, wuxuu qabaa inay Xaqiiqo tahay Dib u dhac kasta oo Ku yimaada Doorashada, inaanay ahayn Arrimo farsamo, balse uu ku yimid Siyaasad Ula Kac ah iyo Istaraatijiyad Madaxweynaha iyo Xukumaddiisu wataan.  ayuu yidhi Gudoomiye CIrro.

 

Gudoomiye Cirro waxa uu Guurtida uga digay muddo kordhin Qayral Sharci ah “Xisbiga Waddani, waxa uu si adag ugu baaqayaa in Golaha Guurtidu ka waantoobo Muddo kordhin  aan Dastuuri ahayn, oo lagu asturayo Madaxweyne,Xukumad iyo Gole Xilalkoodii Dastuuriga ahaa gabay oo doorasho xiligeedii ku qaban waayay Ayuu yidhi Mudane Cirro.

 

Waxa uu Gudoomiyuhu farriin u diray Shacbiga Somaliland ““Xisbiga Waddani, wuxuu Shacbiga ugu baaqayaa inay Is hortaagaan Talaabo kasta oo loogu Hollado in la hor istaago Xaqooda Dastuuriga ah, oo ah inay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ku bedelaan sanduuqa Codbixinta balse aan lagu bedelin Muddo kordhin Cid aan xaq u lahayni samaysay”.

 

Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in Xisbiga Waddani soo jeedinayo in haddii doorashadu dib u dhacdo la kala diro Golaha wakiilada iyo Golaha Xukumadda “Haddii Xukumadda iyo Madaxtooyada Somaliland, si badheedh ah oo Qaawan u hor istaagaan in doorashooyinku ku dhacaan Xilligoodii Dastuuriga ahaa, lana helin Xal lagu heshiiyay ka hor 26-ka June, wuxuu Xisbiga Waddani soo jeedinayaa in Xukumadda iyo Golaha wakiilada la kala diro, lana dhiso doorasho xilkeedu yahay inay doorasho xor ah oo xalaal ah dalka gaadhsiiso wakhtiga ugu gaaban ee suuro galka ah.” Ayuu yidhi Mudane Cirro.

 

Mudane Cirro, waxa uu sheegay in Iscasilaadiisu ku xidhan tahay marka Madaxweynuhu digreeto ku cayimo wakhtiga doorashada la qabanayo “Baryahan waxaa la is waydiinayay Gudoomiyuhu miyuu iscasilayaa?,waxay ila tahay taasi su’aal maaha ee waa Hal xidhaale, waxaana ka jawaabaya marka Madaxweynaha Somaliland digreeto ku soo saaray xilliga doorashada la qabanayo”.

 

“Mudane Cirro, waxa uu ku baaqay in cidkasta oo doorashada Carqaladaysa fidma wade loo aqoonsado “Xisbiga Waddani,waxa uu Bulshada Caalamka iyo Shacbigaba ugu baaqayaa in Cidkasta oo Carqaladaysa ama ishortaagta Doorashooyinka loo aqoonsado fidmo wade.Qodobkani wuxuu si toos ah u saamaynayaa Xisbiyadda Qaranka, waddanina ha noqdee,Xukukmadda,Madaxtooyada iyo Goleyaasha xeer dejinta”.

 

Waxa uu ku baaqay in la joojiyo wada hadalada Somalia iyo Somaliland, waxaanu dhaliilay siyaasadda Xukumaddu ku Iibisay Hantida Umadda sida warshadaha Laydhka Hargeysa,Berbera iyo Dekedda Berbera.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Iibinta Hantida Qaranka “24 Sanno oo Somaliland dawlad ahayd kadib waxaynu Iibinay Warshaddii Laydhka Hargeysa,waxaynu Iibinay Warshaddii Laydhka Berbera,maantana waxay dul taagan tahay Dekeddii Berbera.Khudbaddihii Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa in Xukumaddu Iibinayso inka badan 500 Guri oo Ingiriiska aynu ka dhaxalay, malaha wax kale maynu dhisane,Xukumaddu imisa guri ayay dhistay? Khubaddaha Xukumadda waxaan ku arkayay 19 Guri ayay dhistay, 500 way iibisay, waxaan is waydiiyay su’aal qudha oo ah tolow halkan qaranka dalooshantay ee u baahan in wax lagu guro waa halkee?” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here