Nin ku eedeeysnaa Kufsi iyo Dil uu u geystay Haweeney oo lagu toogtay gobolka Gedo

0
874

GARBAHAAREEY – Eedeysanahan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa in mudo ah ku xirnaa saldhigga dhexe ee degmada Garbahaareey ayadoo loo heystay dambi isugu jiray dil iyo Kufsi.

Ninkan ayaa ku eedeysnaa in gabar yar oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Macallin Saalax oo ay da’deedu ahayd 18 sano jir uu kusaday kadibna ceenji ku dilay, waxaana falkan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yucubleey oo qiyaastii 15 KM u jira degmada Garbahaareey.

 

32 sano jirkan  ayay Maxkamadda degmada Garbahaareey 04-tii bishan Maarso ku riday xukun dil ah, waxaana maanta ay maxkamaddu fulisay xukunkaasi.

Ninkan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaal duleedka degmada Garbahaareey, waxaana goobtii uu dilku ka dhacayay ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi iyo xubno ka socday maxkamadda cadaaladda degmada Garbahaareey.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here