Taliska Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Ka Hadley Weerar Gaadmo Ah Oo Maleeshiyaadka Puntland Ku Soo Qaadeen

0
956

Hargeysa, (HargeisaPress)—Af-hayeenka Ciidamada qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere) oo maanta warbaahinta kula hadley xarunta miiska saraakiisha, ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal dhexmaray Ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Isagoona sheegay in maleeshiyaadka maamulka Puntland ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen deegaano ka mida Sanaag Bari iyo Sool.

“Waxa ay shalay soo galeen Ciidanka maamulka Punland soono ka mida Gobalka Sanaag Ciidanka Qaranka ayaa baacsaday maanta labo gaadhi oo ay leeyihiin Puntland ayaa soo weeraray fadhiisimada ciidanka Qaranka ee Gambadha labadii gaadhi mid ka mida waanu ka qabsanay,waxaana weerarka kaga dhaawacmay afar qof oo uu ka mid yahay taliyihii Ciidankaa watay.Ciidanka qaranka Somaliland cidna u dabo fadhiisan maayo Sugida xuduudaha,” sida waxa yidhi Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland oo warbaahinta la hadlay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY