“Nasiib darrada jirtaa waxa weeye dhaqaalaha digreetooyin laguma maamulo siyaasad cad”…

0
426

Hargaysa (Hargeisa Press): Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda talladda Somaliland haysa ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta korodh ku yimid qiimaha lagu iibiyo maciishadda daruuriga ah iyo Shiidaalka.

Xoghayaha Ganacsiga ee xisbiga Waddani Xamse Maxamed Khayre, ayaa sheegay in aanay xukuumadu u dhug lahayn dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka iyo guud ahaan nolosha dadka.

Waxaanu xukuumada ku eedeeyay in ay si toos ah masuul uga tahay qorsheyaal ciddo gaar ah dhaqaalaha dalka loogu xidhiyo si ay Gofane ugu noqdaan shacabka gobta ah.

Xamse Maxamed Khayre, oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa kaloo uu sheegay in xukuumada madaxweyne Biixi in ay la gudboon tahay inay sidan wax ka bedesho ama ay is casisho.

Xoghayaha Ganacsiga ee xisbiga Waddani waxa kaloo uu sheegay in gebi ahaanba dalkoo dhan uu muddo laba bilood ah taagan yahay wadaaga dhismaha, kaasoo sababay in ay  ku camal waayeen  Kuuligii iyo Wastaadkii iyo dadkii kale ee ku taxnaa dhinaca dhismaha.

 

DAAWO: Siyaasi Xamse Khayre Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here